Wasiirka Difaaca & Taliyaha xoogga oo hortagay Golaha Shacabka

0
Monday December 16, 2019 - 21:01:14 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca & Taliyaha xoogga oo hortagay Golaha Shacabka

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliya ciidanka xoogga dalka ayaa maanta hortagay Golaha Shacabka, iyagoo su'aalo ka waydiiyey howlqabadka Wasaaradda iyo ciidamada. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliya ciidanka xoogga dalka ayaa maanta hortagay Golaha Shacabka, iyagoo su'aalo ka waydiiyey howlqabadka Wasaaradda iyo ciidamada. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoominayay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo maanta Ajendihiisu ahaa su'aal oraaheed ku abaaran Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dalka Mudane Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage. Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ayaa su'aalo ku saabsan arrimaha ciidamada weydiiyay Wasiirka oo isaga oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka si toos ah uga jawaabayay su'aalaha ay Xildhibaannada weydiinayeen, kuwaasi oo u badnaa howlgallada dalka ka socda iyo arrimo kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ciidamada ammaanka looga baahanyahay in ay Xildhibaanadda xasaanadda ay leeyihiin ku ixtiraamaan, iyagoo sidoo kalena muhiimad gaar ah siinaya sugidda amniga iyo ka feejignaanta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah ee Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in Xildhibaannada dhankooda looga baahanyahay in ciidanka Qaranka mar walba taageeraan shaqadooduna ku ixtiraamaan.

  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip