Qatar oo sheegtay in ay waqti qaadandoonto soo celinta kalsoonidii wadamada Khaliijka

0
Monday December 16, 2019 - 20:59:44 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar oo sheegtay in ay waqti qaadandoonto soo celinta kalsoonidii wadamada Khaliijka

    Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay inay qaadan doonto waqti in dib loo dhiso kalsoonida ka dhaxeysay Qatar iyo dalalka Khaliijka ka dib cunaqabateyn socotay labo sano iyo badh. Balse, Wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay inay qaadan doonto waqti in dib loo dhiso kalsoonida ka dhaxeysay Qatar iyo dalalka Khaliijka ka dib cunaqabateyn socotay labo sano iyo badh. Balse, Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar ayaa horumar ku tilmaamay furitaanka wadooyinka loo marayo soo celinta xidhiidhka Doha iyo Riyadh ee horey u burburay. Bishii Juun 2017, Sacuudi Carabiya oo ay weheliyaan Imaaraadka, UAE, Baxreyn iyo Masar waxay gooyeen xiriirkii diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee ay la lahaayeen Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerayaan argagixisada. Dooxa ayaa beenisay eedeymaha waxayna ku eedeeysay deriskeeda inay raadinayaan inay carqaladeeyaan qaranimadooda. Wadamada xanibaada kusoo rogtay Qatar waxay codsadeen in Dooxa joojiso xidhiidhka kala dhexeeya Iran, inay xidho Shabakada Al Jazeera, isla markaana xidho saldhig millatari oo Turkigu leeyahay. Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in Qatar aysan bixin doonin wax tanaasul ah oo saameyn ku yeesha qaranimadeena, siyaasadeeda gudaha ama tan dibada. Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa jiray astaamo muujinaya in ay suuragal tahay inuu dib usoo noolaado xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Qatar. Bishii la soo dhaafay, wargayska 'Wall Street Journal' ayaa sheegay in Sheekh Maxamed uu la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Sucuudiga bishii Oktoobar si ay u soo afjaraan muranka. Bishii Nofembar, saddexda waddan ee xannibaadda khaliijka ayaa ka qaybgalay tartan kubadda cagta ah oo ka dhacay Qadar.
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip