Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun riday

0
Monday December 16, 2019 - 09:23:03 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun riday

    Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay xukun ku riday Nin Oday ah oo lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Axmed Cali Aybakar ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay xukun ku riday Nin Oday ah oo lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Axmed Cali Aybakar ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa in uu kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo uu ku lahaa wakaalad iyo kor joogteyn inta ay dib ugu noqonayaa deegaanadii ay ka yimaadeen. Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaallo magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan Alshabaab ah oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay,sida lagu sheegay War kasoo baxay Maxkamada Ciidamada. July ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu Garsoorayaasha Xafiiska ka codsaday in la geeyo Eedeysanaha xabsiga dhexe garsuge ahaan. Baaris dheer kadib ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna Maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay. Ugu horeynba Maxkamadda ayaa u jeedisay Eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Alshabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kireyn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed. Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa shaqsi ku ii biya agagaarka Qabuuraha Barakaat agabka duugta, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen Waratada Dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kirayay Bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay Xaruma Caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga Maxkamadda. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha Cimrigiisa oo kaga faa'ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da'da uu jiro oo la siman 60-ka. Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da'dooda. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da' yahay. Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go'aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip