Weerar ka dhacay Gaalkacyo & Puntland oo ka hadashay

0
Monday December 16, 2019 - 09:21:24 in Wararka by
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar ka dhacay Gaalkacyo & Puntland oo ka hadashay

    Rag hubeysan ayaa xalay waxaa ay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku qaadeen saldhiga Bartamaha ee Waqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,weerarkaas oo sababay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa xalay waxaa ay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku qaadeen saldhiga Bartamaha ee Waqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,weerarkaas oo sababay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland iyo Haweeney Shacab ah oo goobta ku sugneyd,isla markaana dadka weerarka fuliyey ay goobta ka baxsadeen. Weerarka kadib Ciidamada Booliska Puntland ee ku sugan Saldhiga ayaa waxaa ay agagaarka xaafadaha ku dhow dhow Saldhiga ka fuliyeen howlgal aan weli la shaacin dadka lagu soo qabtay. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in qaraxyada aysan ka dambeyn Al-Shabaab iyo Daacish midna balse ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo la doonayo in lagu khalqal geliyo Amniga Magaalada Gaalkacyo,balse waxaa xusid mudan in weerarkaas ay mas'uuliyadiisa ay sheegteen Al-Shabaab. Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee wadooyinka qaar lagu arkayo Ciidamada Booliska Puntland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip