Kulan loogaga hadlayay Xadka ay wadaagaan Hirshabelle iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho ka dhacay

0
Sunday December 15, 2019 - 22:30:16 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan loogaga hadlayay Xadka ay wadaagaan Hirshabelle iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho ka dhacay

    Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ku saabsanaa isu soo dhoweynta Maamulada uu ka dhaxeeyo Soohdimaha dhuleed. Shirkan oo loo qabtay Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ku saabsanaa isu soo dhoweynta Maamulada uu ka dhaxeeyo Soohdimaha dhuleed. Shirkan oo loo qabtay Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas'uuliyiin ka kala socday labadaas maamul goboleed oo dhammaantood ku qancay shaqada ay guddiga u hayaan Qaranka si weynna ugu bogaadiyay. Sidoo kale, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo goobjoog ah kulanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay kulanka oo ay soo agaasimeen guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya,waxayna balan qaadeen iney la shaqeyn doonaan guddiga guddiga iyo maamul goboleedyada dalka. Gudoomiyaha gudiga Madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa mid mid u soo hadal qaaday soohdinaha maamul goboleedyada dalka,isagoo soo kalena carabka ku dhuftay waxqabadka guddiga mudadii ay jireen iyo halka ay wax marayaan

Labada dowlad goboleed ee Hirshabelle iyo Koofurgalbeed ayaa leh xad dheer iyadoo xadkaas uu yahay mid ay si xoog leh u joogaan dagaalamayaasha ururka Al-Shabaab lamana shaacin sida rasmiga ah ee loogu heshiiyay labada xad ee ay wadaagaan labada maamul goboleed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip