![](https://mogtimes.com/uploads/mogtimes_bnr.jpg)
Wasiirka Warfaafinta Maareeye oo ka jawaabay su'aalo ay weydiiyeen xildhibaanada baarlamaanka
Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta hortagay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ayaa ka jawaabay su'aalo ay xildhibaanada baarlamaanka wax ka weydiiyeen howlaha shaqo ay wasaarada warfaafinta u hayso shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa wax ka weydiiyay wasiirka warfaafinta sababaha looga baahin waayay qalabka warbaahinta qaranka si isku mid ah hadalada dowlada iyo kuwa mucaaradka.
"Warbaahinta dowlada waa loo siman yahay wax siyaasad ah oo aan aniga shuqul ku leeyahay majiro waxa ay u taalaa tifatirayaasha iyo agaasimayaasha idaacada."ayuu yiri Wasiirka warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Maareeye.
Wasiirka warfaafinta ayaa beeniyay in shaqaalaha warbaahinta ay u afduuban yihiin wasaarada isagoo sheegay inay xor u yihiin shaqaalaha wararka iyo barnaamijyada la deynayo.
"Dhacdoyinka in si toos ah looga baahiyo taleefishinka waxa ay u baahan tahay waqti iyo qorshe diyaar ayaana u nahay in si toos ah loogaga daawado doodaha baarlamaanka."ayuu yiri isagoo ka jawaabaya su'aal ah in aan si toos ah looga baahiyo taleefishinka qaranka.
Xildhibaan Idiris Dhakhtar iyo xildhibanao kale oo ka soo jeeda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa weydiiyay wasiirka warfaafinta sababta Muqtaar Roobow loogu diiday inuu warbaahinta la hadlo halka Xasan Daahir Aweys loo siiyay taleefan uu kula xiriiro warbaahinta.
Wasiirka Warfaafinta oo ka jawaabayay su'aal la xiriirta taleefanka Xasan Daahir Aweys ayuu sheegay in uusan shaqsiyan howshiisu ahayn in taleefan la siiyo qof dowlada u xiran isagana wareysi uu bixiyay uu ku sheegay in Xasan Daahir Aweys uu adeegsaday taleefan gaar ah.
Wasiir Maareeye ayaa difaacay eedeyn ah inuu shaqada ka eryey shaqaale isagoo sheegay inuusan shaqo ka eryin shaqaale balse waxa uu qirey in labo shaqaale ah lagu soo eedeeyay shaqo xumo digniin la siiyay.
Su'aal ahayd in afka Mayga saacado kooban laga baahiyo radiyaha iyo taleefishinka halka lahjada Maxaa tiri xilli dheer ayuu wasiirku waxa uu xusay in shaqaale iyo qarash kale ay u baahan yihiin si loo kordhiyo xilliyada lahjada Maayga idaacada iyo taleefishinka laga baahiyo.
"Lahjada Maayga loogama hadlo baarlaamka gudihiisa adinkana su'aasha waxaa igu weydiineysaan lahjada Maxaa tiri marka horta baarlamaanka haloogaga dhex hadlo afka Maayga."ayuu yiri wasiir Maareeye xili uu ka jawaabayay su'aalo ku saabsan sababta lahjada mayga 15 daqiiqo loogu soo koobay.
Wasiirka Warfaafinta Maareeye oo ka jawaabay su'aalo ay weydiiyeen xildhibaanada baarlamaanka
Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta hortagay xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ayaa ka jawaabay su'aalo ay xildhibaanada baarlamaanka wax ka weydiiyeen howlaha shaqo ay wasaarada warfaafi