"Waxaa loo baahanyahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda Sharciga horyaalla Baarlamanka kuma cadda nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi.”ayuu yiri Madaxweyne Deni.


Siciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in wadaabka ay u dhacayso doorashada qaran ee dalka haddii uu dhamaado muddo xileedka dowlada federalka.
Maamul goboleedka Puntland ayaa hore dhowr jeer isugu dayay inuu qabto doorasho qof iyo cod ah hase yeeshee ku guuldareystey.