Wasiirka Maareeye oo Maanta hortagaya Golaha Shacabka

0
Sunday December 15, 2019 - 09:32:12 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maareeye oo Maanta hortagaya Golaha Shacabka

    Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa kulan aan caadi aheyn ay ku yeelan doonaan Xaruntooda Golaha ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay in uu hortagayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa kulan aan caadi aheyn ay ku yeelan doonaan Xaruntooda Golaha ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay in uu hortagayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo Xildhibaannada Golaha qaarkood ay dhawaan dalbadeen in uu horyimaado. 11-kii Bishaan ayaa Xildhibaano gaaraya 11 Xubnood waxaa ay Guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyeen qoraal ay uga codsanayaan in uu wasiirka horyimaado si wax looga weeydiiyo arrimo la xiriira sharciyada Warbaahinta Qaranka,waxaana guddoonka uu soo saarey Warqad uu wasiirka uga dalbanayo in uu Golaha horyimaado 15 Bishaan oo Maanta ah. Xildhibaannada gudbiyey mooshinka u yeeritaanka Wasiirka ayaa waxaa ay sheegeen in Warbaahinta Qaranka aan si siman looga baahin khudbadaha Xildhibaannada xilliyada ay socdaan doodaha Baarlamaanka,balse kaliya laga daayo Xildhibaannada taagersan Xukuumadda. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhawaan bilaabey la xisaabtanka Wasiirada Soomaaliya,waxaana dhawaan hortegay Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka iyo Duulista,kuwaas oo Su'aalo adag la weeydiiyey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip