HALKAAN KA AKHRISO W.W MOG TIMES DAILY NEWS PAPER 7-DEC-2019

0
Saturday December 07, 2019 - 09:52:33 in Wararka by
  • Visits: 1258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOG TIMES DAILY NEWS PAPER 7-DEC-2019

    C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ka walaacsan Amnigiisa Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Wa rsame oo ah hoggaamiya ha Xisbiga Wadajir ayaa ku eedeeyey Madaxda do wladda Federaalka waxaa uu ku eedeeyey inay u ad eegsaneyso xubno argag axiso ah,isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ka walaacsan Amnigiisa Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Wa rsame oo ah hoggaamiya ha Xisbiga Wadajir ayaa ku eedeeyey Madaxda do wladda Federaalka waxaa uu ku eedeeyey inay u ad eegsaneyso xubno argag axiso ah,isla markaana ay baneeyeen dhigi isa lana doonayo in la dilo. Waxaa uu sheegay in Xubno Culimo ah oo dowladda la Shaqeeya fadwo ay dhiiben lagu dilay Sheekh Cabduweli Cali cilmi Yare oo ahaa wadaad Xer ku lahaa M/Gaalkacyo ee G/Mudug iyo Xubno kale waa sida uu hadalka u dhigeye. Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay in uu ugu baaqayo inay jiraan dad dagaal uu kala dhaxeeyo loogana baahan yahay inay ogaadaan haddii dhibaato loo geysto,isaga iyo Xubnaha kale ee ku jira Xisbigiisa Wad ajir.

Dowlada oo ka hadashay Arrinta C/raxma an Cabdi Shakuur

    Dowladda Soomaaliya oo gaashaanka u daruurtay eedo uu shalay u jeediyay Cabdir axmaan Cabdishakuur oo ku andacooday in ay iyaga soo abaabuleen hadal uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cab di xayir Maareeye ayaa sheegay in arrinta la gu heysto C/raxmaan Cabdi Shakuur ay tah ay mid Diini ah oo Culimadda Soomaaliyeed ay ku heystaan.

      Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBc-da ayuu sheegay in arrintaan aysan aheyn mid dowladeed iyo dad ay is hayaan C/raxmaan Cabdi Shakuur,hayeeshee looga baahan ya hay in uu iska bari yeelo arrinta ay Culimada ku heystaan.

    "Waxaan ugu baaqayaa siyaasiga in uu qabto Kulan Culimo ah oo uu ku dhageysiin ayo warkiisa iyo waxa ay ka qabto Diinta, ha ddii ay sheegaan in uusan dambi laheyn wuu iska bari yeelay haddii ay dhahaan wa ad qaldan tahay hatago masaajidka ugu dhow ee ha towbad keeno ayuu yiri "wasiir Mareeye.

    Wasiirka ayaa waxaa wax laga weeydii yey hadalkii Sheekh Xasan Daahir Aweys oo uu C/raxmaan Cabdi Shakuur Dowladda ku eedeeyey inay u adeegsaneyso,waxaana uu sheegya in Xasan Daahir uu yahay muwaad in u arkay in Diintiisa wax laga sheegay oo difaacaya xorna ah.

Guddoonka Golaha Shacabka oo War ka soo saarey Colaadda Mudug

      Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gola ha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soo cu sboonaaday Tow fiiq iyo Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

Mahad Cabdalla, ayaa faray Guddiga naba deynta iyo Ciid amada isku dhafka ah in ay si deg-deg ah u kala dhex galaan Dadka Wal aalaha ah ee ay colaad du dhex martay.

        "Waa arrin aan la aqbali karin Guddiga nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dh exgalaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

     Colaadda Gobolka Mudug oo inta badan ka dhalata aano Qabiil iyo Dhul ayaa Sanad ihii u dambeeyay ahayd mid laga nastay, ta as oo ay qaboojinteedu door Lixaad leh ka qaateen Dhallinyarada oo kaashanaya DFS, maamullada 2da dhinac iyo Ururrada Buls hada.

Mareykanka: Waxaa suurta-gal ah in 1,000 qof lagu dilay Iran

   Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa shee gay in ciidamada Iran ay suurta-gal tahay in ay dileen in ka bad an 1,000 qof, intii la gu guda jiray dibad-baxyo socday saddex toddobaad oo ka dha shay sare u qaadis deg deg ah oo ay dowla dda ku sameysay qiimaha shidaalka.

      "Waxay u muuqataa in taliska uu dilay kun qof oo shacab Iiraaniyiin ah, tan iyo mar kii dibad-baxyada ay billowdeen,” waxaa sid aas yiri wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan Iran, Brian Hook.Hook ayaa sheegay in Was aaradda Arrimaha Dibedda ay heshay 32, 000 oo muuqaallo ah, oo ay ku jiraan sawi rro laga qaaday Koonfurta Iran, halkaasi oo ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah la tuhmayo inay ku ceyrsadeen koox di bad-baxayaal ah, ayna ku fureen rasaas, ayaga oo dilay qiyaastii 100 qof.

     Hook ayaa sheegay in ciidamada Iran ay sidoo kale dhaawaceen "dhowr kun”, ayna xireen uygu yaraan 7,000 oo qof.

     Hook ayaa qiray inay adag tahay in la xa qiijiyo tirada rasmiga ah ee dhimashada, ha se yeeshii waxa uu yiri "waxaan ognahay in ay yihiin boqolaal qof.”

      Cilmi-baaraha hay’adda xuquuqda aada naha Amnesty International ee Iran Manso ureh Mills ayaa sheegtay inaysan waxba ka oran karin dhimashada kunka qof, ayna ku ekaanayaan qiyaastii ugu dambeysay Amne sty oo ah 208 qof.

Sheekh Umal oo C/raxmaan C/shakuur ugu baaqay in uu towbad keeno

    Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa wax aa uu ka hadlay hadalkii doodda badan dhali yay ee ka soo yeeray Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

     Sheekha oo wax laga weydiiyay hadalka Hoggaamiyaha Xisbi ga Wadajir ayaa wax aa uu ku eedeeyay in uu inkiray Xadiiska sugnaaday Nebiga (NNKH).

    Waxaa uu sheegay in Hoggaamiyaha Xis biga Wadajir uu Xadiiska Nebiga u dafiray si uu ugu gaaro mansab siyaasadeed, balse aanu layaabi doonin, maadaama ay horey u arkayn kuwii dalka burburiyay oo xilal lagu abaalmariyay

     Sheekh Umal ayaa dhanka kale sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ammaa nay habar gaalnimo ku barbaartay, oo uu ug ala jeedo Angela Merkel, Ra’iisal Wasaara ha Jarmalka.

     Sheekh Umal ayaa wuxuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xis biga Wadajir uu ugu baaqay inuu Alle u towbad keeno.

Dad qaba dhaawacyo culus oo la gaarsi iyay M/Gaalkacyo

     Wararka laga helayo M/Gaalkacyo ayaa sheegaya in la gaarsiiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Khamiistii ka dhacay Deegaanka Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug. Ugu yaraan lix qof oo qaba dhaawacyo culus ayaa fiidnimadii Caawa la gaarsiiyay isbitaalka weyn ee M/Gaalkacyo, si wax looga qabto xaaladooda caafimaad.

     Wararka ayaa sheegaya in dadkan ay ka mid yihiin 2dii maleeshiyo ee shalay ku wa da dagaalamay Deegaanka Afbarwaaqo, oo hoos-taga Degmada Jarriiban.

     Waxaa sidoo kale jira shan iyo toban qof oo kale oo ku dhaawacmay dagaalkaasi, ku waa oo xaaladooda lagula tacaalayo deegaa nnada ku dhow dhow Afbarwaaqo, maada ama xaaladooda lagu sheegay inaanay ah ayn mid daran.

      Dagaalka ka dhacay Afbarwaaqo ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii wadada loo galay laba baabuur oo ay la socdeen ma leeshiyaad deegaan ahaan ka soo jeeda Gal mudug, iyadoo kuwa weerarka soo qaaday na ay reer Puntland yihiin. Waxaana halka asi ka dhashay khasaaraha ugu badan ee dagaalka uu sababay.

     Ugu yaraan toddobo iyo toban qof oo u badan maleeshiyadii wadada loo galay ayaa dagaalka ku dhintay, halka tiro intaasi ka ba dana ay ku dhaawacantay. Dhiilo colaa deed ayaa waxaa laga soo sheegaya in ay ka taa gan tahay Afbarwaaqo, waxaana saacadihii ugu dambeeyay gaaraayay gurmadyo 2da dhinac ah.

     Dhiilladaan ayaa waxay baqdin ku abuur tay bulshada deegaanka, waxaana jira qo ysas la sheegay in ay guryahooda uga barak aceen, si aanay dhiiladaasi wax saamayn ah ugu yeelan.

      Dhanka kale waxaa soconaya dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ku soo korortay Afbarwaaqo, waxaana jira oday aal ka amba baxay M/Gaalkacyo oo deeg aankaasi ku wajahan. G/Mudug ayaa waxaa ku soo noq noqday dagaal beeleedyada, oo aad arkey so in dadka ku dhaqan gobolkaasi ay dhibaa to ka soo gaareyso.


Ayax ku habsadey qaybo badan oo gobol ka Sool ka tirsan

     Ayax xoogleh ayaa soo gaadhey duleed ka M/Laascaanood kaas oo cagta marinaya daaqa dhulkaasi ka soo baxay xili roobaadkii dayrta.

     "Waa Ayax iyo Koronkoro wada socda, waxaan arkay maraan  tegey dhidinka waqo oyi ka xiga Laascaanood" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Maxamed Daadey isudu waha wasaaradda Beeraha gobolka Sool.

      Daadey waxa uu intaas ku daray in ay wada socdaan Ayax waawey iyo dhashiisa oo hada dilaacday, waxaanu ka digey ha daan degdeg wax looga qaban in aafo weyn reebi doon, waxaanu xusay in ay agabkii la gu dagaalami kari lahaa ay wax ka hayaan balse u baahan yihiin gacan dheeraad ah.

      Dhinaca kale waxaa laga soo sheegayaa dhul badan oo gobolka Sool ka mid ah siiba degmooyinka Caynabo iyo Xuddun oo dhiba ato weyn ku hayo dad iyo duunyaba.

     "Waxaa uu ku habsadey dhamaan meelihii  daaqa lahaa, xoolihii way ka carar ayaan oo inay daaqaan wuu u diidey"  sidaa waxa sheegay Maxamuud Axmed Aadan oo ka mid ah dhaliyarada degmada  Xuddun, waxaanu intaas ku daray inay wadaan dhal inyaro ahaan daddaal ay  doonayaan in ay kaga kiciyaan dhulka.

 Meelaha qaarkood waxaa la sheegay in loo adeegsadey rasaasta nool taas oo inbadan dhulka lagaga kiciyey siiba degaano ka mid ah Ganbadhe oo bari kaga aadan Laascaan ood.

   Ayaxan ayaa waxaa ay dad waayeel ahi sheegayaan in haatan aan dhibkiisu badn aan doonin balse xili roobaadka soo socda ay dilaaci doonto ugxanta ay reebaan.

      Xiligan ayaa rajo weyn laga qabaa roob ab la saadaalinayo in Shalay ka bilaabmaan guud ahaan gobolka Sool.

Madaxweyne Xaaf oo baaq kasoo saaray dagaal ka dhacay Mudug

     Madaxweynaha maamulka Galmudug Ax med Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si deg deg ah ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaan hoos yimaada deg mada Afbarwaa qo in ay dagaalka joojiya an.

Md.Xaaf oo Warbaah inta kula hadlay M/Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la kaashan doon aan joojinta dagaalkaasi,islamarkaana Ciida mo ka tirsan Galmudug loo diri doono goob ta uu dagaalku ka dhacay.

    Waxaa uu tilmaamay Md. Xaaf inay nasiib darro tahay in haantan dagaallo ka dhacaan degaanada Galmudug, waxaana uu shee gay inay dadaal badan ku bixiyeen nabadg aliyadda gobolka Mudug.

     Waxaa xaalad deganaansho ah Shalay laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobol ka Mudug oo uu shalay dagaal khasaaro dhi masho iyo dhaawac geysatay uu ku dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed.

       Dagaalka oo ka dhacay degaanka Ina diideey oo ku yaalla degmada Afbarwaaqo ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 15 ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ku dhawaad 10 ruux oo lagu dilay weerar lagu qaaday gaari Bas ah

      Dhowr qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii Koox looga shakiyay inay Al-Shabaab yihiin ay weerar ku qaade en Bas Mara ayay inta  u dhexeeysa Man dheera iyo Kutulod oo ka tirsan Gobolka Wajeer.

    Taliyaha Bil ay ska Gobol ka Wajeer Ste phen Ng’etich ayaa xaqiijiy ay  weerarka laa kiin waxaa uu ka gaabs aday in uu faahf aahiyo Khasaaraha ka dha shay weerarka Al-Shabaab.

     "Waxaan xaqiijin karaa in koox hubaysan ay weerareen bas ku safrayay Mandheera Caawa (Jimcaha), wali wax macluumaad ah kama hayno tirada khasaaraha,”ayuu yiri tal iyaha. Qof ka mid ah dadkii ka badbaaday weerar ka ayaa sheegay in Kooxda hube ysan ay dileen ku dhawaad 10 ruux.

QM oo soo saartay waxyeellada ay geyst een Roobab ka da’ay Bariga Afrika

    Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaadhay Roobabkii dhow aan ka da’ay qeybo k mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shalayto shaacisay QM.

     Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada QM ee OCHA ayaa sheegay in Roo babkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay ji rto halis ah inay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka.

      Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ah ayd markii ay Roobab sababay fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala du wan ka geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya.

      Digniin dhowaan lasoo saaray ayaa she egeysa in laga baqdin qabo Roobab kale oo ka da’a Waddamo ay Soomaaliya ka mid tah ay, gaar ahaan Dhulka Xeebaha ah,iyadoo Dowladduna ay si weyn uga gashaamatay, Dad weynaha u sameysay wacyi gelin ball aaran.

Munaasabad Loogu Duceynayay Almaas Elman Oo Lagu Qabtay Canada

     Magaalada Toronto ee dalka Canada wa xaa lagu qabtay munaasabad loogu baroor diiqayay allaha u naxariistee Almaas Elman oo lagu toogtay magaalada Muqdisho.

     Xafladda Baroor diiqda ah ee ka dhacday Canada waxaa ka qeybgalay qooyska Alm aas Elman oo u soo duulay dalkaas maada ama dhalashada 2aad ay ka haysatay gaba dhooda,sidoo kalana waxaa gobjoog ahaa Soomaalida ku nool dalkaas iyo Ajaanib u dhalatay Canada.

     Almaas Elman oo aheyd gabar ka shaqe ynaysay u doodidda xuquuqda aadamaha ayaa 20-ka bishii November waxaa lagu dhex togtay xerada Xalane xili ay ka soo ba xday xafiis ku yaalla gudaha xaruntaas.

      Dowladda Somalia iyo taliska ciidanka Booliiska ayaa sheegay in la bilaabay baari taanka kiiska lagu dilay Almaas Elman iyada oo gal dacwadeed ay furteen saraakiil ka tirs an waxaada dembi barista CID-da oo aqoon u leh baaritaanada kiisaska noocaan oo kala ah sida taliyaha booliisku uu u shegay War baahinta in kasta oo aan weli la shaacin nati ijada baaritaankaas.

kulanka Golaha ShacabkaBaarlamaanka oo maanta looga hadlayo sii wadidaak hrinta sharciga doorashada

     Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baa rlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taari ikhduna ku beegan tahay 7/12/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelana yaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaa lada Muqdisho.

       Ajendaha kulanka ayaa ah sii-wadida do oda Akhrinta labaad ee Sharciga Doora shooyinka Qarank oo dhawaan Xildhib aanada loo qeybiyay.

      Xildhibaanada ayaa sidoo kale dood ad ag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharc iga doorashooyinka ee ay soo diyaariyeen Guddiga baarlamaanka.

       Xildhibaananada Golaha Shacabka ay aa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla mark aana ay soo xaadiraan .


Duqa Magaalada Nayrobi Oo Xabsiga Loo Taxaabay

     Duqa M/Nayrobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dacw ad oogaha guud ee Kenya soo saaray warq ad lagu soo xiray.

     Booliska ayaa siya asigan kasoo qabtay Magaalada Voi, halka asoo uu booqasho ku joogay.

     Dacwad oogaha guud, Nuuradiin Xaaji ay aa sheegay in Mr Sonko su’aalo laga wey diin doono halka ay ku maqan tahay lac ag badan oo qeyb ka ahayd dhaqaalihii loo gu talagalay ismaa mul ka Nairobi.

   Wuxuu sidoo kal e sheegay in xafiiski isa uu hayo caddey mo ku filan.

     Xaaji ayaa dhanka kale booliska amar ku siiyay inay ka hor tagaan wax walba oo caqa bad ku noqon kara baaritaanna la xiriira arri ntan.

Dowladaha Maraykanka Iyo Itoobiya Oo Ka Shiray Ammaanka Somalia

      Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa Ti bor Nagy waxa uu shalay M/Washitoon ee dalka Maraykanka kula kulmay wasiirka difa aca ee dalka Itoobiya oo maalmahaan boo qasho ku joogay dalkaas.

     Warbahinta Faana aya ku warantay in 2da masuul ay ka wadahadleen muhiimadda xaladda amaniga ee geeska Africa gaar aha ana Soomaaliya,Suudaan iyo South Suuda an, Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa ay aa sheegay ayaa bartiisa Twitter-ka ku qo ray ciidanka Itoobiya ee howlgalka u jooga dalalka Somalia iyo Suudaan in ay tahay qa araan guud oo ah nabadda gobolka.

     Dhankiisa Wasiirka difaaca ee Itoobiya oo Todobaadkii hore booqasho ku tegay Mar aykanka waxaana uu sheegay in ay wadaa geen xaaladda ammaanka ee gobolka xiriir ka Sirdoonka iyo Milatariga heerka uu gaar siisanyahay.

     Kulanka 2daan masuul ayaa ku soo bee gmay iyada oo siyasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda Somalia ay ku eedeynay aanDFS in ciidamo Itoobiya ah oo an qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM in ay geysay deegaanada Gamudug  gaar ahaan M/Dhu usa-mareeb.

Roob dabeylo wata oo ku dhuftay Xeeb aha Degaannada Puntland.

    Roob wata dabeylo xoog badan ayaa ku dhuftay qeybo katirsan deegaannada iyo de gmooyinka dhaca xeebaha Puntland, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Waxaana jira sida la tilmaamay khasaare ka dhashay roobkii da,ay.

     Badda ayaa ku  fatahday goobaha qaark ood, waxaana wararku sheegayaan in halka loo yaqaano Raasiga ay baddu biyo badan banaanka u saartay oo ay qaadatay qaar ka mid ah qalabkii Kalluumeysata deegaanad aas ay la haayeen.

       Mid kamid ah waxgaradka magaalada Baargaal ayaa sheegay in ay jiraan roob xo og leh oo saameyn ku yeeshay deegaanada oo dhan, isla markaasna ay wali roobabku si xoog leh u da’ayaan.

      Ma uusan sheegin khasaare la tiro koo bay, balse wuxuu sheegay in jidadkii horey u go’naa ay markale dhibaato culus soo wajah day ayna muuqato khatar weyn haddii ay roobabkan Shalay sii socdaan.

       Sida muuqata roobabka ayaa soo gaar ay xeebaha Puntland, gaar ahaan gobalada Bari & Gardafuu, iyadoo ay magaalada Boos aaso maalintii 2aad ka da’ayaan roob.

      Majirto wax war ah oo kasoo baxay maa mulka Puntland, gaar ahaana Hay’addaha u gu xilsaaran arrimaha musiibooyinka, iyagoo na sheegay in ay hoos u dhacday khatar la ga qabay roobab duufaano wata, balse sida muuqata markale ayay xoogeysteen roobab ka.

Somaliland Oo Sheegtay In Ay U Diyaar Garoobeen Duufaanada La Saadaaliyay

      Wasiirka deegaanka maamulka Somal iland marwo Shukri Ism aaciil Baanddare ayaa ka hadashay roobabka dabaylaha iyo duufaa nada wata ee la saada aliyay inay ku dhufanayaan deegaanada xeebta ah ee Soomaaliya.

     Waxa ay sheegtay in maalmahaan ay la socdeen wararka sheegaya in ay jirto saada alintaa ku aaddan Puntland ilaa Somaliland inay ku dhufan karto duufaantaas hase’ aha atee ay muujiyeen diyaar garoow aad u bal aran isla markaana ay feejignaan ku jiraan.

Wasiirka deegaanka maamulka Somaliland marwo Shukri Ismaaciil Baanddare ayaa she egtay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo duufaan ay ku dhufato deegaanada So maliland hase’ahate ay soo martay duufaan tii Saqar aadna ay ula tacaaleen waxyeeladi ka dhalatay.

     Ugu dambeyntii waxa uu sheegtay in dad ka deegaanka ay ku wargeliyeen in ay iska g uuraan dhulka Xeebta ah ee saadaalinta la ga bixiyay taas oo qeyb ka ah diyar garoow ga Somaliland sida ay hadalka u dhigtay.

Xubno Ka Tirsan Booliiska AMISOM Oo Loo Soo Xiray Tababbar La Xiriira Ilaalinta Xuquuqul Insaanka

     Howl-galka nabad ilaalinta midowga Afr ika ee Soomaaliya ayaa 22 Sarkaal oo ka tir sn Boliiska AMISOM usoo gaba-gabeeyay tababar soconayay Sadex Cisho .

    Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsanaa ka hor tagga dhibaatooyinka Jinsiga , ilaalin ta xuquuqul Insaanka iyo dhowrista dhibaat ooyinka loo geysto Carruurta.

      Xubnahan oo dhammaantood ahaa Haw een ayaa looga tala galay in ay tababarro iyo talooyin ku aaddan waajibaadkooda usii fidiyaan Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed oo ay wada shaqayn xooggan ka dhaxayso AMISOM.

     Taliyaha Booliska AMISOM,  Augustine Magnus Kailie, ayaa xiritaanka tababarka Sa raakiishan ku boorriyay in ay casharradii la siiyay ku dabbaqaan aqoontooda, si ay u sii kordhiyaan kaalintooda kaga aaddan waajibaadka amni ee saaran.

Maamulka Gobolka Bari Oo Digniin U Dir ay Dad Ay Sheegeen In Ay Dhibaato Ku Hayaan

      Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamu lka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo la hadlayay bulsh ada magaalada Boo saaso ee gobolkaas ay aa ka hadlay xaladda M/ Boosaaso ee dhinaca Siyaasadda iyo amni ga.

    Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in looga baa hanyahay bulshada deegaanka iyo maamu lka oo gacmaha is qabsadaa ay wax weyn ka tari doonto xaalada magaalada Boosaaso sidaas tarteedna lala shaqeeyo maamulka.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa shee gay in dad laga soo diray meelo kale lehna dano gaar ah farimaha loo sii dhibayna ful inaya ay dhibaato ku hayaan magaalada Bo osaaso ee gobolka Bari,waxaana wacad uu ku maray in gacan bir ah lagu qaban doono in kasta oo uusan sheegin dadkaas iyo hal ka laga soo diray.

      M/Boosaaso ayaa maalmihii la soo dha afay waxaa lagu xiray Siyaasiyiin iyo Oday aal dhaqan oo eed u jeediyay madaxweyn aha Puntland Siciid C/llaahi Deni lamasa oga in fariintaan ay yaga ku socoto

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Oo Amartay Diyaarinta Qodobada Xil Ka-Xayuubinta Trump

       Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykan ka Nancy Pelosi ayaa ku amartay hogaami yayaasha xisbiga dimqoraadiga "inay guda galaan qodobada xil ka-xayuubinta" madax weyne Trump, ayada oo shaaca ka qaaday "inuu ku xadgudubay awooddii xafiiskiisa."       Pelosi ayaa sheegtay in madaxweyne    Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, uu meel ku xooray hab-dhaqankii caadiga ahaa ee madaxweynenimo, kuna xadgudbay waa jibkii uu ku dheertay ee ilaalinta dastuurka Mareykanka. Waxay ku eedeysay inuu Ukra ine weydiistay inay baaritaan ku sameyso mid ka mid ah musharaxiinta dimoqraadiga ee doonaya inay kula loolamaan doora shada 2020, kaasi oo ah madaxweyne ku-  xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, si taasi ay isaga uga caawiso inuu ka adkaado. Pelosi ayaa ku amartay Jerrold Nadler, oo ah guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiilada, halkaasi oo arbacadii ay ka billaabatay dhageysiga xil ka-xayuubinta, iyo guddoonka dimoqraadiga inay diyaari yaan qodobada xil ka-xayuubinta."X aqiiqoyinka lama diidi karo," ayey tiri Pelosi. "Madaxweynaha wuxuu ku xadgudbay awoo ddiisa, si danihiisa siyaasadeed ee shakhsi ga ah uu uga hormariyo amnigii qaranka." Inkasta oo Pelosi aysan waqti qaban, haddana Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Dimoqraadiga ayaa u codeyn kara maamuus ka xayuubinta Trump ka hor ciidda kirismaska ee dhammaadka bishan.


DHARKIINLEY OO KU GUULEYSATAY KOOBKA KUBADDA CAGTA EE DEGMOOYINKA G/BANAADIR


        Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa M/M uqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo soo xiray Horyaalka Degmooyinka G/Banaadir ayaa til maamay muhiimadda uu tartankaani u lahaa isdhexgalka bulshada iyo nabadeynta Caa simadda.

     Gudoomiyaha ayaa u hambalyeeyey Koo xda Dharkiinley oo hanatay sanadkan Hory aalka Degmooyinka G/Banaadir, isagoo si doo kale bogaadiyey dhammaan ciyaartooy da, macalimiinta iyo ma amulka ka qeyb qaat ay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tar tan

   "Ciyaarahaan caawa aan soo gabagabey nay waxa ay ka tarj umayaan qiimaha nabad da iyo is –dhexgalka bulshada. Dib u kaba shada Caasimadda ee dhanka amniga iyo dhismaha kaabeya asha dhaqaalaha waxa ay rajo gelinayaan dhallinyaradeenna Soom aali yeed oo u badan dad firfircoon, hibo iyo xirfadba leh.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip