Hordhac: Shrewsbury v Man United – Kulanka Caawa Ee FA Cup Oo Go'aansan Kara Mustaqbalka Tababare Louis van Gaal Oo Qarka U Saaran La Ceyriyo.

0
Monday February 22, 2016 - 12:13:24 in Sports News by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Shrewsbury v Man United – Kulanka Caawa Ee FA Cup Oo Go'aansan Kara Mustaqbalka Tababare Louis van Gaal Oo Qarka U Saaran La Ceyriyo.

    Kulanka: Shrewsbury v Man United Wareega 16ka kooxood ee FA Cup Garoonka:New Meadow Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Kulanka caawa ee wareega shanaad ee FA Cup waxa uu muhim weyn u yahay mustaqbalka tababare Louis van Gaal iyo mustaqb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Shrewsbury v Man United Wareega 16ka kooxood ee FA Cup Garoonka:New Meadow Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Kulanka caawa ee wareega shanaad ee FA Cup waxa uu muhim weyn u yahay mustaqbalka tababare Louis van Gaal iyo mustaqbalka kooxda Manchester United, waxaana si weyn loo hadal-hayaa in guuldarro caawa soo gaarta kooxda Red Devils inay keeni doonto in tababaraha reer Holland uu daaqada Old Trafford ka baxo.

Laakiin iyadoo guuldarro ay ka soo gaartay Premier League iyo Europa League labadii kulan ee ugu danbeysay, LVG ayaa la filayaa inuu koox xoogan ku soo shirtago caawa si uu ugu yaraan waqti kale uu ku sii joogo Old Trafford u iibsado. United haddii ay ka soo gudubto wareega 16ka kooxood, waxa ay Old Trafford ku martigelin doonaan wareega 8da kooxda West Ham United.

Shrewsbury-V-Man-United

MAXAA KA CUSUB?

Goolhayaha Manchester United David de Gea ayaan la fileynin inuu ciyaaro ka dib markii dhaawac jilibka ah uu ka soo gaaray ka hor inta uusan bilaabanin kulankii ay guuldarada kala kulmeen kooxda FC Midtjylland.

Waxa uu noqday ciyaaryahankii 14aad ee ku jira liiska dhaawacyada oo uu ka mid yahay kabtan Wayne Rooney.

Xiddigii khore ee khadka dhexe ee Man United ee haatan u ciyaara Shrewsbury Larnell Cole ayaa ku soo laabtay kooxda ka dib seddex kulan oo uu dhaawac gumaarka ah ku seegay.

Tababare Micky Mellon ayaa sidoo kale xaqiijiyay in daafaca Jack Grimmer inuu taam noqon doono.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Shrewsbury:Leutwiler; Grandison, Whitbread, Knight-Percival; Grimmer, Whalley, Ogogo, Black, Brown; Mangan, Akpa Akpro

Man Utd:Romero; McNair, Poole, Smalling, Blind; Carrick, Schneiderlin, Lingard, Herrera, Depay; Martial

MA OGTAHAY?
  • Waa markii ugu horeysay oo tartan rasmi ah ay ku kulmaan labadaan kooxood.
  • United ayaa badisay lixdii jeer ee ugu danbeysay ee ay gaareen wareega shanaad ee FA Cup.
  • Waxa ay dhaliyeen 19 gool sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay koox heerka seddexaad ah ku wajahaan koobka FA Cup.

La Wadaag Asxaabtaada:




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip