Isku Aadka Copa America 2016 Oo La Soo Saaray – Argentina & Chile Oo Ku Celiska Finalka Sannadkii Hore Isaga Horimaanaya Wareega Group-yada.

0
Monday February 22, 2016 - 12:11:41 in Sports News by
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Aadka Copa America 2016 Oo La Soo Saaray – Argentina & Chile Oo Ku Celiska Finalka Sannadkii Hore Isaga Horimaanaya Wareega Group-yada.

    Argentina iyo Chile ayaa mar kale geesaha isgelin doona Copa America ka dib markii ay qeyb ka noqdeen isku aadka Group D ee Copa America oo sannadkan u dabaaldegeysa sannadkeedii 100aad islamarkaana tartan gaar ah loo qabanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Argentina iyo Chile ayaa mar kale geesaha isgelin doona Copa America ka dib markii ay qeyb ka noqdeen isku aadka Group D ee Copa America oo sannadkan u dabaaldegeysa sannadkeedii 100aad islamarkaana tartan gaar ah loo qabanayo.

Isku aadka ayaa ka dhacay magaalada New York iyadoo ay joogeen madaxda xiriirada Concacaf iyo Conmebol iyo sidoo kale dhowr ka mid ah tababarayaasha ka qeyb qaadanaya Copa America sannadkan.

Labadii kooxood ee gaaray finalkii sannadii hore ee Copa America ayaa sidoo kale waxa ay haatan kuwada jiraan Group D oo ay kula wehliyaan kooxaha Bolivia iyo Panama. Argentina iyo Chile ayaa furi doona kulanka group-kooda ee ka dhacaya magalaada Santa Clara ee gobolka California ee dalka Mareykanka 6da bisha June ee sannadkan.

copa-america_57hl1auii16l11szgkgopi7aa

Kulankii ugu danbeeyay ee tartan rasmi ah ee labada xul ee deriska ah ayaa ku dhamaatay barbaro 0-0 ah, laakiin Gonzalo Higuain ayaa rigoore qasaariyay isagoo ka caawisay xulka Chile inay rigoroe ku hantaan koobka.

Xulka martigelinaya ee Mareykanka ayaa dhanka kale wajahaya howl adag oo ay ku gaarayaan wareega 8da ka dib markii ay soo galeen group-ka dhimashada.

Xulka gaaray sannadkii hore semi-finalka Paraguay iyo xulka Jose Pekerman ee Colombia iyo xulka Costa Rica ayaa sugaya xulka Mareykanka oo lagu sharfay inuu martigeliyo sannadkii 100aad ee Copa America, halka Brazil ay ku faraxsanaan doonto inay isku soo aadeen Peru, Haiti iyo Ecaudor.

Copa America oo sannadkii hore la ciyaaray ayaa la ciyaarayaa mar kale sannadkan madaama ay 2016 ay ku soo aaday 100-guuradii ka soo wareegtay aas-aaska koobka kooxaha America.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip