Arsene Wenger Oo Codka Dheer Ku Yiri In Arsenal Ay Heysato Fursadii Ugu Fiicneyd Ee Ay Ku Reebi Lahaayeen Barcelona.

0
Monday February 22, 2016 - 12:10:34 in Sports News by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger Oo Codka Dheer Ku Yiri In Arsenal Ay Heysato Fursadii Ugu Fiicneyd Ee Ay Ku Reebi Lahaayeen Barcelona.

    Arsene Wenger ayaa sheegay in Arsenal aysan soo mari doonin fursad haatan ka fiican oo ay ku reebaan kooxda Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsene Wenger ayaa sheegay in Arsenal aysan soo mari doonin fursad haatan ka fiican oo ay ku reebaan kooxda Barcelona.

Kooxda reer Spain ayaa ugu cadcad kulanka isbuucaan ee Champions League iyagoo Arsenal ka reebay koobka sannadkii 2010 iyo 2011 waxaana ay sidoo kale ku garaaceen finalkii Champions League ee 2006 ee ka dhacay caasimada Faransiiska Paris.

Laakiin Wenger ayaa waxaa ka dhaadhacsan in Gunners ay fursad fiican u heysato inay ka aargudato Barcelona, waxaana uu ugu baaqay ciyaartoydiisa inay sabar iyo dishibiliin muujiyaan, islamarkaana aysan kala badbadanin habeen danbe.

Arsenal-v-Hull-City-The-Emirates-FA-Cup-Fifth-Round

Tababaraha Arsenal ayaa yiri: "Waa fursadeena ugu fiican waxba ma ahan sida ay fursada u weyn tahay. Waa inaan ka faa’ideysano oo aan weerarno iyaga. Waxaan aaminsanahay kulamadaan waa weyn, lugta hore ee gurigeena ma noqon karno doqomo.

"Marar badan waxaan ku soo badinay garoon aan marti ku nahay, waxaana goolal ay inooga dhasheen gurigeena. Waxaan inaan helno isku dheelitirnaan fiican oo u dhaxeysa difaacasho iyo weerar.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip