SAWIRRO: Kulankii Bayer Leverkusen Iyo Borussia Dortmund Oo Hakad La Geliyay SAGAAL DAQIIQO Ka Dib Markii Uu Garsooraha Ciyaarta Garoonka Isaga Baxay.

0
Monday February 22, 2016 - 12:09:06 in Sports News by
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Kulankii Bayer Leverkusen Iyo Borussia Dortmund Oo Hakad La Geliyay SAGAAL DAQIIQO Ka Dib Markii Uu Garsooraha Ciyaarta Garoonka Isaga Baxay.

    Kulankii horyaalka Bundesliga ee Bayer Leverkusen iyo Borussia Dortmund ayaa hakad la geliyay middo sagaal daqiiqadood ah ka dib markii tababaraha Bayer Leverkusen Roger Schmidt uu diiday inuu garoonka ka baxo markii casaan loo taagay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii horyaalka Bundesliga ee Bayer Leverkusen iyo Borussia Dortmund ayaa hakad la geliyay middo sagaal daqiiqadood ah ka dib markii tababaraha Bayer Leverkusen Roger Schmidt uu diiday inuu garoonka ka baxo markii casaan loo taagay.

Ciyaarta ayaa noqotay mid isku dhex yaacday markii garsoore Felix Zwayer uu ka baxay garoonka taasoo keentay in ciyaarta ay hakad ku jirto muddo sagaal daqiiqadood ah.

Sheekada ayaa noqotay mid ciyaalnimo ah markii garsoore Zwayer uu go’aan ku gaaray in haddii tababare Schmidt uusan garoonka baxeynin in isaga iyo caawiyayaashiisa ay garoonka ka baxayaan taasoo ka fajicisay ciyaartoyda labada kooxood.

2

Sababta ka danbe: laad xor ah oo loo dhigay Borussia Dortmund qeybtii labaad ayaa waxaa soo tuurayay xiddiga khadka dhexe Matthias Ginter, laakiin waxa uu kubada soo durjiyay ilaa iyo afar mitir iyo bar taasoo keentay goolka kaliya ee ciyaarta oo uu Dortmund u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo ahaa goolkiisii 31aad ee xilli ciyaareedka.

Waxaana ay taasi keentay carada tababare Schmidt kaasoo ka dalbaday garsooraha inuusan ogolaanin goolkaas madaama si qaldan loo tuuray laadka xorta ahaa, laakiin garsooraha ayaa ku amray tababaraha Bayer Leverkusen inuu kursiga keydka isaga kaco oo taribuunka koro.

Borussia-Dortmund

Tababare Schmidt ayaana diiday inuu garoonka ka baxo, iyadoo garsoore Zwayer uu labo jeer ku amray kabtanka Bayer Leverkusen Kiessling inuu tababarihiisa u sheegay inuu garoonka isaga baxo madaama casaan la siiyay. Laakiin tababaraha ayaa ku adkeystay go’aankiisa inuusan ka dhaqaaqin kursiga keydka.

Garsoore Zwayer ayaana markaas ka dib go’aan ku gaaray in isaga iyo caawiyayaashiisa ay garoonka isaga baxaan waxaana ay ka maqnaayeen mudod sagaal daqiiqo ah iyagoo dib ugu soo laabtay markii tababare Schmidt laga dhaadhiciyay inuu isaga kaco kursiga keydka, waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay kooxda Dortmund.

6

3

1

6



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip