Cidna Inagama Baqdo! LVG Oo Qirtay In Kooxdiisa Man United Ay Lumisay Cabsidii Ay Kooxaha Kale Ka Qabi Jireen.

0
Monday February 22, 2016 - 12:06:16 in Sports News by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidna Inagama Baqdo! LVG Oo Qirtay In Kooxdiisa Man United Ay Lumisay Cabsidii Ay Kooxaha Kale Ka Qabi Jireen.

    Louis van Gaal ayaa qirtay in Manchester United ay lumiyeen wajigooda cabsida iyagoo caawa la ciyaaraya kooxda heerka seddexaad ee Shrewsburg kulan ka tirsan wareega 16ka kooxood ee FA Cuo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa qirtay in Manchester United ay lumiyeen wajigooda cabsida iyagoo caawa la ciyaaraya kooxda heerka seddexaad ee Shrewsburg kulan ka tirsan wareega 16ka kooxood ee FA Cuo.

Kooxda Red Devils ayaa ahaan jirtay koox awood muuqato ku leh kubada cagta caalamka markii Sir Alex Ferguson uu ku guuleysanayay kooba koobka ku xiga.

Sidaasi oo ay tahay waxaa haatan si wacan u garaacay kooxda ka carareysa heerka labaad ee Sunderland isbuucii hore, waxaana ceeb ay ka soo gaartay kooxda yar ee reer Denmark Midtjylland kulankii khamiista ee Europa League.

01_21222854_16a24c_2702445a

Van Gaal ayaa aaminsan in sida kaliya ee mar kale looga baqi karo United inay tahay inay si xiriir ah u badiyaan. Waa wax fiican in sidaasi la yiraahdo, laakiin buuga qaab ciyaareedkooda ma muujinayo caalamo sidaas ah. Kooxda LVG ayaa ku guuldareysatay inay badiso 18 ka mid ah 27dii kulan ee ugu danbeysay.

Markii la weydiiyay sababta aysan kooxaha uga baqin haatan United, Van Gaal yiri: "Marka aad aragto labadii kulan ee ugu danbeysay sabab waa ay u noqon kartaa. Laakiin waxaan ku qasbanahay inaan kooxaha ka dhigno kuwa naga cabsada mar kale.

"Waxaa inaga badisay kulankii ugu horeeyay ee Premier League kooxda Swansea markii aan imid. Laakiin sidaasi oo ay tahay waxaan rikoor aad u fiican ku heysanay gurigeena xilli ciyaareedkii hore.

"Waan sameyn karnaa taas mar kale. Kaliya waxaan u baahanahay inaan badino kulamo isku xig-xiga.

"Taas waan u sheegay durbaba ciyaartoyda, sababtoo ah kuma sii socon karno inaan guuldareysano kulamada.

"Su’aasha waxa ay ka taagan tahay sida aan u soo kabsan karno kulankaan, sababtoo ah Shrewsburg waxa ay sidoo kale u dagaalami doontaa kubadaha labaad, waxa ay ciyaartaa ciyaar toos ah, waana inaan maareyno midaas.

"Waa inaan kubada u ceshano si ka fiican sidii hore islamarkaana aanan kubada luminin si bilaa micno ah, sababtoo ah goolkii ugu horeysay ee Midtjylland waxa uu ahaa mid bilaa micno kubada lagu bixiyay, goolkii labaad isagana waan difaacan karnay.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip