Dowladda Somaliya oo qaaday xayiraaddii duulimaadyada ee Dhoobley

0
Sunday December 01, 2019 - 14:15:03 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya oo qaaday xayiraaddii duulimaadyada ee Dhoobley

    Dowladda Somaliya ayaa waxay qaaday xayiraaddii dhanka duulimaadyada ee saarneyd Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Somaliya ayaa waxay qaaday xayiraaddii dhanka duulimaadyada ee saarneyd Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Somaliya ayaa waxay tallaabadani qaaday ka dib markii roobab xoogan ay ka da’een Gobolada Koonfurta Somaliya, isla-markaana uu adkaaday isu socodkii dhanka dhulka ee goboladaasi.

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya laga bilaabo maanta in diyaaradaha rakaabka qaada ay duulimaadyadooda caadiga ahaa dib u bilaaban karaan.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa waxaa lagu wargeliyay inay dib u bilaabi karaan duulimaadyadii ay isugu kala gooshi jireen Magaalada Muqdisho iyo Degmada Dhoobley.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dadka ku safra dhinaca dhulka ay ku adkaatay inay si caadi ahi ugu safraan Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii wada-yaasha gaadiidka ay rakaabka u sheegeen inay wadooyinka go’an yihiin, sababo ku aadan roobabka oo biyo badan dhigay, isla-markaana ay adag tahay inay si caadi ah ugu socdaalaan.

Dowladda Somaliya ayaa waxay tani ku dhaqaaqday, ka dib markii ay yaraadeen dadkii isugu kala gooshi jiray Magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda ayaa billo ka hor xayiraado ku soo rogtay diyaaradihii taggi jiray Magaalooyinka Jubbaland qaarkood, ka dib markii doorasho lagu murmay uu mar labaad ku soo baxay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip