SPORT: Laba HADIYADOOD Oo Barcelona Koobka Horyaalka U Gacan Galin Gara, Atletico Madrid Iyo Real Madrid Oo Labaduba Dhibco Lumiyay

0
Monday February 22, 2016 - 12:05:01 in Sports News by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SPORT: Laba HADIYADOOD Oo Barcelona Koobka Horyaalka U Gacan Galin Gara, Atletico Madrid Iyo Real Madrid Oo Labaduba Dhibco Lumiyay

    Jariirada ree Spain ee SPORT ayaa ku dooday in barbarihii ay xalay galeen kooxaha ree Madrid in ay haddiyad u noqon doonto kooxda Barcelona isla markaana ay koobka horyaalka La Ligaha u gacan galinayso kooxda Baluagrana.Real Madrid iyo Atletico Madri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirada ree Spain ee SPORT ayaa ku dooday in barbarihii ay xalay galeen kooxaha ree Madrid in ay haddiyad u noqon doonto kooxda Barcelona isla markaana ay koobka horyaalka La Ligaha u gacan galinayso kooxda Baluagrana.Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa kulmadii xalay dhibco lumiyay taas oo fursad wayn u ah kooxda koobka La Ligaha difaacanaysa ee Barca oo iyadu sabtidii guul ka soo gaadhay Las Palmas.

Atletico Madrid ayaa iska lumisay fursad ay cadaadiska ugu sii hayn lahayd Barcelona waxayna barbaro gool la’aan ah la gashay kooxda Villarreal halka Real Madrid oo la ciyaartay Malaga ay markale sii lumisay rajadii ay ka qabtay horyaalka La Ligaha waxayna la soo laabtay barbaro 1:1 ahaa.Madrid teams - CopyHaddaba qormada Sport ayuu Laacib.net idiin soo turjumay halkan ayaanad ka kaga bogan kartaa, waxaana qormada ciwaan looga dhigay:Laba Hadiyadood Oo Barcelona Koobka Horyaalka U Gacan Galin Gara, Atletico Madrid Iyo Real Madrid Oo Labaduba Dhibco Lumiyay”.

Waxaana qormadu u dhignayd sidan:Atletico Madrid ayaa si la mid ah Real Madrid, aan awoodin in ay sii wadaan qaab ciyaareedkii ay ku sii hayn laayeen Barcelona.Rojiblanco waxay barbaro gool la’aan ah axadii la gashay Villarreal, waxayna hadda sideed dhibcood ka danbaysaa kooxda Luis Enrique, waa fogaan aad farsamo ahaan ku dari karto hal dhibic oo kale iyada oo kooxda Catalan-ku ay labada guriba ku garaacday Atletico iyo waliba faa’iidada farqiga goolasha.2

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yidhi:Atletico kaliya 11 gool ayaa laga dhaliyay 25 kii kulan ee xili ciyaareedkan ee La Ligaha inkasta oo ayna u waxtar badnayn dhinaca kale ee garoonka ee weerarka, qaybtooda Real Madrid barbaro ayay axadii galeen, waxaana qabatay Malaga waxayna hadda Barcelona ka danbaysaa 9 dhibcood. Los Blancos waxay xili ciyaareedkan ku dhibtootay kulamad ay ka maqan tahay Sanntiago Bernabeu, hal kulan oo kaliya ayay badisay afartii kulan ee ugu danbaysay ee La Ligaha wuxuuna kulankaasi ahaa Granada”.

Intaa kadib qormada ayaa laysku waydiiyay su’aal muhiim ah:Duruufahan jira, waxay tahay su’aasha waajibka ahi: Miyuu haddaba dhamaaday La Liguhu? waa wax adag in laga jawaabo. Xili ciyaareedkii 2003-04 markii 25 kulan la ciyaaray sidan oo kale, waxay Real Madrid 8 dhibcood ka horaysay Valencia, laakiin


kaliya Los Che ayaa koobka horyaalka ku guulaysatay, si kastaba ha ahaatee marka bandhiga Barcelona la barbar dhigo Atletico Madrid iyo Real Madrid, waxay u muuqataa in ayna suurtogal ahayn in la arko isbadal kala saraynta ah oo deg deg ah.ronaldo-

Waxaa warbiixnta lagu soo gabagabeeyay:Intaas waxaa dheer, labada kooxood ee caasimada ka dhisan ayaa todobaadka danbe ku kulmi doona Bernabeu, kooxda guuldaraysataa waxay u baahan doontaa mucjiso haddii ay doonayso in ay horyaalka ku guulaysato. Waxa uu todobaadkani Barcelona u ahaa mid sax ah si la mid ah kooxaha ree Madrid ee ku jira kaalinta afraad iyo shanaad ee Villarreal iyo Sevilla oo sidoo kale barbaro gashay iyada oo Barcelona 22 dhibcood ka sarayso Sevilla.Kameni - Copy

Haddii aan intaas ku soo dhaafno qormada Sport, waxaa hubaal ah in barbarihii ay xalay galeen kooxaha ree Madrid in ay fursada ugu wayn ay siinayso Barcelona oo qaab ciyaareed fiican ku jirta, waxaana kooxda Enrique si wayn u caawisay in ay muddo todobaad gudihii ay ay lix dhibcood ku soo heshay laba kulan oo ay marti ahayd oo kala ahaa Sporting Gijon iyo Las Palmas.

Haddaba akhriste, adiga oo aan taageero ama koox nacayn fikirkaga ku salayn miyay Barcelona haddaba gacanta ku dhigtay koobka La Ligaha? Saamayn intee leeg ayuu horyaalka ku yeelan doonaa kulanka Madrid derby ee todobaadka danbe dhex mari doona kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip