Chelsea Ku Xasuuqday Caruurtii Manchester City Ee Koobka FA Cup.

0
Monday February 22, 2016 - 11:59:18 in Sports News by
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Ku Xasuuqday Caruurtii Manchester City Ee Koobka FA Cup.

    Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Shalayto Chelsea ayaa 5-1 ku xaaqday Manchester City ciyaartii shalayto ee Stamford Bridge iyadoo u soo baxday wareega sideed dhamaadka ee koobka FA Cup. Diego Costa ayaa gool madax ah hogaanka ugu dhiibay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Shalayto Chelsea ayaa 5-1 ku xaaqday Manchester City ciyaartii shalayto ee Stamford Bridge iyadoo u soo baxday wareega sideed dhamaadka ee koobka FA Cup. Diego Costa ayaa gool madax ah hogaanka ugu dhiibay Chelsea ka dib karoos ka yimid Eden Hazard, ka hor inta uusan da' yarka David Faupala u barbareynin City ka hor dhamaadkii qeybtii hore. Qeybta labaad waxaa ciyaarta la wareegtay Chelsea iyadoo Willian, Hazard, Gary Cahill iyo Bertrand Traore ay dhamaantood guul raaxo leh ku hogaamiyeen Blues.


Laacib.net waxa ay idiin soo gudbineysaa afarwaxyaabood oo aan ka baranay kulankii maanta.

34

Man City Oo Cadeysatay Koobabk Ay Muhiimada Siineyso.

Tababaraha kooxda Man City Manuel Pellegrini ayaa dejiyay sida ay koobabka ugu kala muhiimsan yihiin inta ka hartay xilli ciyaareedkan isagoo koox liidata kala hortagay kooxda Chelsea. Iyadoo Raheem Sterling, Joe Hart iyo Vincent Kompany ay kursiga keydka fadhiyeen, kooxda Citizens ayaa ku ciyaartay koox da’ yar oo ay kala hortageen koox xoogan oo Chelsea ah.

Inay soo safaan ciyaartoy aan qibrad laheyn waxay aheyd talaabo halis ah, laakiin waxa ay soo bandhigeen daaal fiican ilaa iyo qeybtii labaad. Waa iska cadahay haatan in koobabka u muhiimsan City inay yihiin Champions League iyo Premier League iyadoo xiddigaha kooxda koowaad loo nasasiiyay kulamadaas. Waxa ay haatan isha ku hayaan kulanka isbuucaan ee Champions League ee ay la leeyihiin Dynamo Kiev.

90

Man City Oo Leh Da’ Yar Mustaqbal Leh

Qaar yar oo ka mid ah xiddiga City ayaa ka dhex muuqday ciyaarta inkastoo guuldarro culus ay soo gaartay. David Faupala iyo Aleix Garcia ayaa u muuqday kuwa raaxo ku dareemayay inay la ciyaaraan Chelsea, iyadoo Faupala uu kubad lugahooda dhexmariyay Gary Cahill iyo Branislav Ivanovic shantii daqiiqo ee ugu horeysay, waxaana uu dhaliyay goolkii kaliya ee ay heshay Man City.

Waxaa nasiibxumo u aheyd Man City in qibrad la’aanta xiddigahooda da’da yar inay soo baxday qeybtii labaad, iyadoo Chelsea ay kubada shabaqa ku gureysay, waxaana ay durbadiisa ciyaarta isku bedeshay mid u dhaxeysa rag iyo caruur.

68

Hazard oo soo laabtay

Ma uusan soo bandhigin tayadiisa kulan walba ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, laakiin su’aal kama taagna inuu joogitaankiisa laga dareemay Stamford Bridge shalayto.

Xiddiga reer Belgium ayaa labo caawin sameeyay shalayto isagoo caawiye ka noqday goolkii Diego Costa ee qeybtii koowaadiyo goolkii Willian ee qeybtii labaad, ka dibna waxa uu dhaliyay laad xor ah oo uu dabamariyay goolhaye Willy Caballero. Waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed uu ku noqday xiddiga garoonka.

Qaab ciyaareedkan ayaana ahaa midkii ay taageerayaasha Chelsea ka doonayeen Hazard. Waxa ay rajeynayaan inuu qaab ciyaareedkan la soo baxo kulamada Premier League iyo Champions League inta ka hartay xilli ciyaareedkan.

690

Guus Hiddink Oo Koob Kale Oo FA Cup Ah Haminaya

Chelsea ayaa koox xoogan ku soo shirtagtay iyadoo aan la nasasiinin Diego Costa, Hazard iyo xiddigaha kale e ewaa weyn ka dib guuldaradii bartamaha isbuucii hore ka soo gaartay PSG ee koobka Champions League.

Ma aysan soo bandhigin calaamad daal ah iyadoo xitaa ay si qatar ah jaanta iskula heleen qeybtii labaad iyagoo wadar ahaan dhaliyay shan gool. Oscar iyo Traore ayaa xitaa bedel ku soo galay, waxaana ay ka shaqeeyeen si wadajir ah goolkii shanaad ee Chelsea.

Ka dib markii uu koox xoogan kala hortagay MK Dons wareegii kan ka horeeyay, waa ay cadahay in Hiddink uu sameynayo wax walba oo uu ku celin karo guushii uu la gaaray Chelsea markii ugu horeysay ee uu tababare ku meel gaar ah ka noqdo sanandii 2009 isagoo doonaya inuu mar kale ku guuleysto FA Cup.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip