Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Saturday November 23, 2019 - 14:46:38 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay xili uu yaallay kasoo horjeeday hotel Safaari ee ku yaalla meel dhow Isgoyska Zoobe, waxaana qaraxa kadib ka kacay dab xoogan.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa laga arkayay Uurow madow oo Cirka isku shareertay, taasi oo aheyd dabkii ka kacay gaariga qarxay, waxaana markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabka.


Sidoo kale goobta ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo halkaas xiray, waxaana hakad yar galay isku socodka gaadiidka dadweynaha, hayeeshee markii dambe dib u furay.Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in uu ka badbaaday Darawlkii waday gaariga, waxaana dhaawac fudud uu kasoo gaaray qof Dumar ah oo xiligaas goobta ka Agdhaweyd.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan in maalmihii la soo dhaafay amniga Magaalada uu ahaa mid soo hagaagayay oo aan wax qarax




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip