Duqeymihii Isbahaysiga Sucuudiga ee Yemen oo hoos u dhacay.

0
Saturday November 23, 2019 - 14:39:17 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymihii Isbahaysiga Sucuudiga ee Yemen oo hoos u dhacay.

    Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u fadhiyo dalka Yemen Martin Griffiths, ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe u sheegtay in hoos u dhac uu ku yimid duqeemihii uu Isbahaysiga Sucuudiga ka waday dalka Yemen. Ergayga ayaa sheegay in 80% boqolki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u fadhiyo dalka Yemen Martin Griffiths, ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe u sheegtay in hoos u dhac uu ku yimid duqeemihii uu Isbahaysiga Sucuudiga ka waday dalka Yemen. Ergayga ayaa sheegay in 80% boqolkiiba ay hoos u dhaceen weerarada dhanka cirka ah labadii todobaad ee lasoo dhaafay.


Isbahaysiga ayaa dagaalka Yemen ku biiray sanadkii 2015’kii markaas oo ay garab siiyeen dowladda uu caalamku aqoon sanyahay ee dalka Yemen.

Tan iyo waqtigaasi Isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga ayaa lakulmayay cambaareen caalami ah kadib markii ay kumanaan ruux ay ku dhinteen duqeemo ay u gaysteen isbitaalo, iskuulo iyo suuqyo.

Boqorka Sucuudiga, Boqor Salmaan ayaa sheegay in ay doonayaan heshiis lagaaro kaas oo lagusoo afjaro colaada dalka Yemen.

Ku dhawaad shan sano uu socdo dagaalka Yemen’na waxaa ku dhintay in kabadan 100,000 oo ruux.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip