Wakiilka Qaramada Midoobay oo ku baaqay in la ansixiyo Sharciga doorashooyinka

0
Saturday November 23, 2019 - 14:35:44 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Qaramada Midoobay oo ku baaqay in la ansixiyo Sharciga doorashooyinka

    Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo shalay khudbad ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay muhiim tahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo sharciga doorashada, dibna u eego sharciga xisbiyada bisha Dece

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo shalay khudbad ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay muhiim tahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo sharciga doorashada, dibna u eego sharciga xisbiyada bisha December.

Waxaa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay in la furfuro masraxa siyaasadeed, isla markaana ay dadku fikirkooda soo bandhigi karaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliya ayaa sheegay Somaliya inay gaartay horumaro kala duwan oo ku aadan dhanka ammaanka & Siyaasadda.

Waxa uu soo hadal qaaday Khilaafka Siyaasadda ee u dhaxeeya dowladda Federalka Somaliya & Maamul Goboledyada, isaga oo sheegay Khilaafkaasi inuu sanad jirsaday oo caqabadiisa ay muuqato.

Si loo gaaro hadafka doorashada Somaliya, waxa uu soo jeediyay Wakiilka Qaramada Midoobay in la sameeyo tanaasul ku aadan xubnaha talada iminka haya & madaxdii hore ee dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Somaliya inay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara xasarad Siyaasadeed oo keenta dhibaato dadka shacabka ah saameysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip