Qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Zoobe

0
Saturday November 23, 2019 - 14:16:52 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Zoobe

    Wararka aan ka helayno nawaaxiga Isgoyska Zoobe gaar ahaan agagaarka Hotel Safari ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay Qarax gaari lagu xiray. Gaari noociisa uu yahay Surf ayaa la sheegay in halkaasi uu ku qarxay, dabadeedna uu gabi ahaanba gaariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka helayno nawaaxiga Isgoyska Zoobe gaar ahaan agagaarka Hotel Safari ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay Qarax gaari lagu xiray. Gaari noociisa uu yahay Surf ayaa la sheegay in halkaasi uu ku qarxay, dabadeedna uu gabi ahaanba gaariga ku gubtay, sida ilo wareedyo ay xaqiijiyeen. Qaraxa gaarigaasi ka dhashay ayaa saameeyay goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalo agagaarka Hotelka Beder, waxaana hadda goobtaasi ka socda qiiq & uuro cirka isku shareertay.

Lama oga gaariga qarxay cidda wadatay & Khasaaraha ka dhashay, balse dadweyne badan ayaa ku xoomay goobta ay wax ka dhaceen, walina gurmadka dabdamiska sooma gaarin goobta.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu ahaa mid wanaagsan, kadib markii Hay’adaha ammaanka dowladda ay ku dadaaleen xaqiijinta ammaanka Muqdisho oo qaraxyada si joogto ah kaga dhici jireen.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa waxa ay wadaan baaritaanka ku aadan falka dhacay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip