Madaxweyne Farmaajo & Xisbiyada Siyaasadda oo kulan u socdo

0
Saturday November 23, 2019 - 13:36:12 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo & Xisbiyada Siyaasadda oo kulan u socdo

    Xarunta Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa waxaa ka socda kulan u dhaxeeya axsaabta Siyaasadda ee diiwaangashan & Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa waxaa ka socda kulan u dhaxeeya axsaabta Siyaasadda ee diiwaangashan & Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha ku aaddan doorashooyinka & sida ugu habboon ee dalka ay uga dhici karaan doorasho qof & cod.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya Cabdi Nuur Mohamed Axmed  ayaa bartiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku xaqiijiyay kulanka Madaxweyne Farmaajo & Axsaabta Siyaasadda ee diiwaangashan uga socdo Villa Somaliya.

"Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya Villa Soomaaliya qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah ee ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka kulammadan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka.”Ayuu yiri Cabdi Nuur oo qoraal soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada.

Kulankaan markii uu soo dhamaado ayaa la filayaa in Madaxtooyadda Soomaaliya ay bixiso faah faahin la xiriirta nuxurka kulankaasi ka soo baxo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip