Sawirro: Puntland Oo Soo Bandhigtay Khamri Badan Iyo Agabyo Kale

0
Saturday November 23, 2019 - 11:54:08 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Puntland Oo Soo Bandhigtay Khamri Badan Iyo Agabyo Kale

    Ciidamada amniga Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa ay kusoo qabteen Maandooriyaha Khamriga iyo agabyo kale oo dadka dhac loogu geysto. Taliska Booliska Maamulka Puntland ayaa Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada amniga Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa ay kusoo qabteen Maandooriyaha Khamriga iyo agabyo kale oo dadka dhac loogu geysto. Taliska Booliska Maamulka Puntland ayaa Maanta Saldhiga Dhexe ee Garoowe kusoo bandhigay dhalooyin badan oo Khamri ah, Xashiish, Ulo, Mindiyo iyo koox dhalinyaro ah oo watay, kuwaasi oo howlgalka lagu soo qabtay. Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Puntland ayaa tilmaamay in dhalinyarada ay dhac iyo furasho u geysan jireen dadka shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe, hayeeshee howlgal ay Ciidanka amniga sameeyeen lagu soo qabtay dadkaas.
 


Taliska Qeybta Booliiska ee Gobolka Nugaal ayaa digniin Culus u diray dadka ka ganacsada Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, isla markaana soo geliya deegaanada Puntland, isagoona taliska sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadkaas.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa tilmaamay in weli uu socdo howlgalka lagu baacsanayo dadka isticmaala Maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishka ee ku sugan Magaalada Garoowe iyo deegaanada kale ee Puntland.

  



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip