Jubbaland" Shaqadda looma xoojin doono cidii shaqo u doonata dowladda"

0
Saturday November 23, 2019 - 09:25:17 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland" Shaqadda looma xoojin doono cidii shaqo u doonata dowladda"

    Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay qorshaha dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka waddo gobolka Gedo ee Ciidankii jubbaland ay kula wareegeyso. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ku sugan qeybo ka mid ah go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay qorshaha dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka waddo gobolka Gedo ee Ciidankii jubbaland ay kula wareegeyso. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya kala qeybin iyo burburin ay ka waddo gobolka Gedo. Waxaa uu sheegay in shaqadda maamulka aysan saameyn ku yeelan doonin Shaqsiyaad iyo Ciidan kooban oo dowlada dhexe ee Soomaaliya ku biiray. Waxaa uu xusay in cidii maamulkooda ka tirsan oo shaqo u doonataa dowladda dhexe aaney u joojin doonin oo xilkaasi ay qof kale u magacaabayaan. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan sheegay xaalada kasoo cusbnaatey degmooyinka galbeedka gobolka Gedo in aan intaas ka badan laga sii aamusnaan karin go'aan rasmi Jubbaland ka qaadaneyso waxa halkaas ka socda ayada oo loo saarey guddi si faahfaahsan ugasoo warbixiya xaalada gobolka Gedo. Qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Galbeedka gobolka Gedo oo inta badan uu maamuli jiray Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Muqdisho ku xiran ayaa sheegay in ay ku biireen dowlada dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana aysan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip