SAWIRO:-Kulan looga hadlayay Arrimaha Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

0
Monday November 18, 2019 - 14:50:54 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Kulan looga hadlayay Arrimaha Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

    SAWIRO:-Kulan looga hadlayay Arrimaha Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SAWIRO:-Kulan looga hadlayay Arrimaha Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

Sidoo kale, Maxamed Gaagaab oo kamid ah xubin ka tirsan Gudigga La-socodka ee dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhaweeyay shirka isaga oo ka warbixiyay howlihii badnaa ee la soo qabtay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Wasiir Ku-Xigeenka Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in aqoonyahanada shirka lagu casumay ay hortaallo howlo adag oo ah inay aragtiyadooda ka dhiibtaan arrimaha dalka ee masiiriga ah.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri "waxaan ku faraxsanahay inaan shirkan idin kala soo qaybgalo oo ka doodno aayaha dambe ee Soomaaliya, sida aad ogtihiin dastuurka inta ugu badan dib-u-eegis ayaa lagu sameeyay waxaana dooneynaa inaad taladiina ka dhiibataan; aqoonyahanada waxay kamid yihiin dadka ugu muhiimsan bulshada sidaa awgeed waxaan idinkaga fadhinaa inaad aqoontiina ku kordhisaan howlaha aan wadnoā€¯.

Ugu dambayn, aqoonyahanada ka qaybgalaysa shirka ayaa waxaa lala waadagay nuqul kamid ah qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay iyagoo bilaabay inay ka talo bixiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip