Ciidamo La Wareegay Xarunta Xisbiga Waddani Ee Hargeysa

0
Monday November 18, 2019 - 11:00:26 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo La Wareegay Xarunta Xisbiga Waddani Ee Hargeysa

    Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Xisbiga Waddani ee halkaas ku taalla ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland. Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa inay isku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Xisbiga Waddani ee halkaas ku taalla ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland. Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa inay isku gadaameen Xarunta Xisbiga Waddani uu ku lahaa Hargeysa, isla markaana waxaa la xiray dhamaan Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaah Cirro ayaa sheegay in Xarunta ay la wareegeen Ciidamo, isla markaana lagu jaray dhagxaan farabadan. Magaalada Hargeysa ayaa waxaa xalay lagu xiray Afhayeenka iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani ee Somaliland Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xuseen Cabdi.Guddoomiye Cirro ah oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayuu falka lagula wareegay Xarunta xisbigiisa ku tilmaamay mid sharci darro ah, isagoona si adeg u Cambaareeyay falkaas. Dhinaca kale Hargeysa ayaa waxaa la filayaa in Maanta ay dhacaan Banaanbaxyo uu ku baaqay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, hayeeshee waxaa arrintaas ka dhigay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in aan la qaban Karin wax banaanbax ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip