Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Dhiibay Ciidanka Dowladda

0
Monday November 18, 2019 - 10:54:03 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Dhiibay Ciidanka Dowladda

    Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 43aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab. Sarkaalka isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ayaa Magaciisa ku sheegay Rayaani Shiikh Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 43aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab. Sarkaalka isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ayaa Magaciisa ku sheegay Rayaani Shiikh Nuur, isla markaana waxaa uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Gaadiidka ee Gobolada Jubbooyinka. Isaga oo sii hadlaayay ayuu ugu baaqay raga kale ay iska shaqeyn jireen inay kusoo biiraan dhanka Ciidanka dowladda, waa sida uu hadalka u dhigay Rayaani Shiikh Nuur.Sidoo kale Rayaani Shiikh Nuur ayaa sheegay in uu Go'aan ku gaaray ka bixista Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay inay soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan inuu kasoo goostay Madaxdii u qaabilsanaa dhanka Gaadiidka ee Gobolada Jubbooyinka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip