Wararkii Ugu Dambeeyay Rasaas Laga Maqlay Hargeysa Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
Monday November 18, 2019 - 10:50:58 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Rasaas Laga Maqlay Hargeysa Iyo Khasaaro Ka Dhashay

    Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo qaar kamid ah Madaxda Xisbigaas. Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland ay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo qaar kamid ah Madaxda Xisbigaas. Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in rasaas lagu furay isaga iyo xubno ka tirsan Xisbigiisa xili ay u soo socdeen Xarunta Xisbiga. Isaga oo sii hadlaayay Cabdiraxmaan Cirro ayuu Carabka ku dhuftay in saakay Xarunta Xisbigiisa ay la wareegeen Ciidanka Booliska, isla markaana ay xireen dhammaan Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta, hayeeshee markii dambe ay xoog ku galeen xubnaha Xisbiga.Sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa tilmaamay in rasaasta ay ku fureen Ciidanka Booliska Somaliland uu dhaawac kasoo gaaray hal ruux, kaasi oo lagu daaweynayo mid kamid ah Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Hargeysa. Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeeysa Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda Muuse Bixi, taasi oo timid kadib markii uu Guddoomiye Cirro uu banaanbax ugu baaqay taareerayaashiisa, balse arrintaas ay ka hor yimideen Ciidanka Booliska Somaliland, sidoo kalena la xiray Mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip