Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Kismaayo Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

0
Monday November 18, 2019 - 10:42:36 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Kismaayo Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

    Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Nin la sheegay inuu shacab ahaa. Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Via-Afmadow ee Kismaayo, isla markaana waxaa Ni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Nin la sheegay inuu shacab ahaa. Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Via-Afmadow ee Kismaayo, isla markaana waxaa Ninkaas u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado, kuwaasi oo dhowr rasaas ku dhuftay Marxuumka. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ninka la dilay uu ahaa Guddoomiyihii Xaafadda Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmed Buula Ibrahim. Intaasi kadib Ciidamada ayaa saameeyay howlgalo kala duwan oo lagu raadinayo ragii fuliyay falkaas, hayeeshee ma jiro weli cid loo soo qabtay falkii lagu dilay Axmed Buula Ibrahim.Ragii ka dambeeyay dilkiisa ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa durbo gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland, kuwaasi oo goobta ka soo qaaday Meydka Marxuumka. Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha, waxaana inta badan dilalkaas sheegtay Al-shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip