Louis van Gaal Oo Laga Bixinayo Dalxiis Dunida Ah Marka Ugu Danbeyn Laga Ceyriyo Man United.

0
Sunday February 21, 2016 - 12:45:55 in Sports News by
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Louis van Gaal Oo Laga Bixinayo Dalxiis Dunida Ah Marka Ugu Danbeyn Laga Ceyriyo Man United.

    Louis van Gaal ayaa loo soo bandhigay fasax dalxiis uu ku raaxeysto marka ay Manchester United ceyriso isaga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa loo soo bandhigay fasax dalxiis uu ku raaxeysto marka ay Manchester United ceyriso isaga.

Shirkad dhanka socdaalka ah oo laga leeyahay dalkiisa Holland ayaa u qalbi jileecday 64 jirkaan tababaraha ka ah Old Trafford, waxaana ay doonayaan inay moraalka u dhisaan marka uu ka tago Ingariiska.

LVG ayaa seefta la mari doonaa haddii United ay guuldarro ka soo gaarto berri kooxda heerka seddexaad ee Shrewsbury kulan ka tirsan FA Cup.

01_20212408_a4362a_2701138a

Shirkada GeniusTravel ayaana diyaar u ah inay LVG iyo xaaskiisa ka bixiyaan fasax dalxiis ah oo ay ku aadayaan meeshii ay doonaan dunida haddii la ceyriyo.

Ninka aas-aasay shirkadaan Gennie Freen ayaa u sheegay The Sun: "Tan iyo intii uu sheegay wax walba buurta ayay ka soo dhaceen, ha ahaato Manchester United ama xulka qaranka Holland.

"Waa sababta aan ugu soo bandhigayo LVG fasax raaxo oo uu u baahan yahay laga bilaabo haatan ilaa iyo waqtigii uu doonayo. Waan jecel nahay haddii aan nahay reer Holland sidaasi darteed diyaar ayaan u ahay inaan caawiyo.

"Waxaan heysanaa gawaari ama diyaarado oo u diyaar ah una qaada meel walba ka dib kulankii Shrewsburg haddii waxa ugu xun ay dhacaan.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip