Barack Obama Oo Digniin U Diray Musharaxiinta Isbedel Doonka

0
Sunday November 17, 2019 - 22:47:23 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barack Obama Oo Digniin U Diray Musharaxiinta Isbedel Doonka

    Madaxweynihii hore dalka Maerykanka Barack Obama ayaa digniin u diray musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna uga digay siyaasadaha aan xaqiiqda ku saleysnayn. Mr Obama ayaa sheegay in Dimuqraadiyiinta ay khatar ugu jiraan in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore dalka Maerykanka Barack Obama ayaa digniin u diray musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna uga digay siyaasadaha aan xaqiiqda ku saleysnayn. Mr Obama ayaa sheegay in Dimuqraadiyiinta ay khatar ugu jiraan inay lumiyaan codbixiyaasha. Madaxweynihii hore oo ka hadlayay munaasabad dhaqaale lagu uruurinayay ayaa waxa uu sheegay in codbixiyaal badan aysan doonayn in habka siyaasadeed la baabi'iyo . Musharaxiinta ugu cad-cad waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Joe Biden, Elizabeth Warren, Bernie Sanders, iyo Pete Buttigieg.Ilaa 18 musharax oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga ayaa u tartamaya inuu mid walba noqodo musharxii xisbiga ku matali lahaa doorashada 2020-ka ee Mareykanka. Mr Obama ayaanan intii uu ka hadlayay munaasabadda carrabaabin musharax Khaas ah sidoo kalana ma uusan dhaleeceyn siyaasi gooni ah, taasi bedelkeedana waxa uu isticmaalay erayo uu ku boorinayo dimuqraadiyiinta oo dhan oo ay ka mid ahaayeen: "fiiro gaar ah u yeelo cod bixiyayaasha" adigoo diiradda saaraya arrimaha la xiriira daryeelka caafimaadka iyo soogalootiga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip