Axmed Madoobe oo uga digay Agaasimayaasha Wasaaradaha inay ku milmaan arrimaha siyaasadda
Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaaday in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan.
Madaxweynaha ayaa si adag uga digey in agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka.
Axmed Madoobe oo uga digay Agaasimayaasha Wasaaradaha inay ku milmaan arrimaha siyaasadda
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudoonka guddiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland.