Kabtan Wayne Rooney Oo Iska Diiday LABO DALAB Oo Qaali Ah Oo Ugaga Yimid Horyaalka Shiinaha.

0
Sunday February 21, 2016 - 12:41:07 in Sports News by
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kabtan Wayne Rooney Oo Iska Diiday LABO DALAB Oo Qaali Ah Oo Ugaga Yimid Horyaalka Shiinaha.

    Wayne Rooney ayaa diiday labo dalab oo waa weyn oo uga yimid kooxaha ka dhisan horyaalka Shiinaha, sababtoo ah waxa uu doonayaa inuu sii joogo Old Trafford.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wayne Rooney ayaa diiday labo dalab oo waa weyn oo uga yimid kooxaha ka dhisan horyaalka Shiinaha, sababtoo ah waxa uu doonayaa inuu sii joogo Old Trafford.

Kabtanka Manchester United iyo wakiilkiisa Paul Stretford ayaa dhow dalab ka helay kooxaha taajirka ah ee Shiinaha, dhamaan dalabyadaasna si aqlaaq ay ku jirto ayaa loo diiday, sida ay ku warameyso jariirada Sunday People.

United ayaa isbuucii hore si aan looga baran u beenisay dalab 27 milyan ginni ahaa oo uga yimid koox ka ciyaarta horyaalka Shiinaha oo ay ku doonayeen kabtankooda, waxaana wakiilada Rooney ay iyagana sheegeen in xiddigaan uusan xiiseyneynin inuu baxo.

Manchester-United-v-Stoke-City

Rooney ayaa sheegay inuu si buuxda ugu heelan yahay United, waxaana uu doonayaa inuu sii joogo United ugu yaraan ilaa iyo 2018 si uu u buuxiyo hamigiisa ah inuu koob ku guuleysto xilli ciyaareedkan iyo inuu jabiyo rikoorka Sir Bobbu Charlton ee gooldhalinta.

30 jirkaan ayaa sidoo kale doonaya inuu ilaaliyo balantiisii aheyd inuu lacag badan u soo xareynayo hay’adaha ka shaqeeya xanaansada caruurta marka bisha August la ciyaari doono kulan isaga lagu maamuusayo u dhaxeeya Man United iyo kooxdiisa hore ee Everton.

Laakiin sida kaliya ee uu ku burburin karo qandaraaskiisa Old Trafford oo labo sanno ay uga harsan tahay islamarkaana uu qiyaar u leeyahay inuu sannad kale ku darsado ayaa ah haddii United ay ka laabato mushaharkiisa 300da kun ginni isbuucii islamarkaana ay u sheegaan inaan looga baahneyn kooxda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip