Duqa Muqdisho Oo Sheegay In La Qabtay Agaasime Rabay Inuu Is Qarxiyo

0
Saturday November 16, 2019 - 09:34:36 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Oo Sheegay In La Qabtay Agaasime Rabay Inuu Is Qarxiyo

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shaaaca ka qaaday inta uu xilka haayo in hay'addaha Sirdoonka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo doonayay inuu is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shaaaca ka qaaday inta uu xilka haayo in hay'addaha Sirdoonka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo doonayay inuu is qarxiyo. Duqa Muqdisho oo ku sugan dalka Koonfur Afrika, isla markanaa la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ayaa sheegay in qaraxii uu ku dhintay Guddoomiyihii gobolka Eng. Yariisow iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir uu fuliyay Agaasime kamid ahaa maamulka Gobolka, hayeeshee haatan la qabtay mid kale oo damacsanaa inuu Is qarxiyo. Sidoo kale Cumar Finish ma shaacin maga Agaasimaha la qabtay, kaasi oo haatan ay gacanta ay ku hayaan laamaha amniga.Isaga oo sii hadlaayay Cumar Finish ayuu tilmaamay in Agaasimaha la qabtay uu qirtay inuu doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee arrintaas ay ka hortageen ciidanka amniga dowladda. Si kastaba 24-ka Bishii July ee sanadkan ayaa waxaa Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax ismiidaamin ahaa, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal dhowr ah iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip