Barcelona Oo Qorsheyneysa Inay Xagaaga U Dhaqaaqdo Xiddiga Laga Yaaban Yahay Premier League Ee Riyad Mahrez.

0
Sunday February 21, 2016 - 12:31:05 in Sports News by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Qorsheyneysa Inay Xagaaga U Dhaqaaqdo Xiddiga Laga Yaaban Yahay Premier League Ee Riyad Mahrez.

    Kooxda Leicester ayaa isku diyaarineyso inay weyso mid ka mid ah labadeeda xiddig ee dahabka ah iyadoo Riyad Mahrez lala xiriiriyay inuu lacag qaali ah ugu dhaqaaqayo kooxda Barcelona, sida saaka lagu daabacday jariirada Sunday Mirror.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Leicester ayaa isku diyaarineyso inay weyso mid ka mid ah labadeeda xiddig ee dahabka ah iyadoo Riyad Mahrez lala xiriiriyay inuu lacag qaali ah ugu dhaqaaqayo kooxda Barcelona, sida saaka lagu daabacday jariirada Sunday Mirror.

Kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ayaa qorsheyneysa inay wadahadalo qandaraas kordhin ah la gasho Mahrez kaasoo saxiixay heshiis cusub oo 35 kun ginni isbuucii ku qaadanayo xagaagii hore, laakiin waxa ay durbaba aqbalayaan inay weyn doonaan kubadsameeyahooda iyo gooldhaliyahooda.

Leicester ayaa diyaar u ah inay mushaharkiisa u labo jibaarto laakiin xiisaha uga imaanaya Barcelona ayaa sii koraya iyadoo ilo ku dhow ciyaaryahanka ay sheegayaan inuu qalbiga gashaday inuu u dhaqaaqo kooxda La Liga ka dhisan.

Heshiis cusub oo uu isbuucii ku qaadanayo 75 kun ginni islamarkaana la mid ah kii uu saxiixay Jamie Vardy ayaana aheyn mid ku filan oo Mahrez ku celin kara kooxda Leicester City.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip