Madaxweynaha Somaliland oo ku wajahan Kenya

0
Thursday November 14, 2019 - 19:31:46 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo ku wajahan Kenya

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago waddanka Kenya Sida ay xaqiijyeen Siyaasiyiin ka mid ah Xisbiga Kulmiye oo la hadlayey Warbaahinta degaannada Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filaya inuu dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago waddanka Kenya Sida ay xaqiijyeen Siyaasiyiin ka mid ah Xisbiga Kulmiye oo la hadlayey Warbaahinta degaannada Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filaya inuu dhammaadka bishan November uu socdaal shaqo ku tago waddanka Kenya, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda waddanka Kenya.



Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in la filayo kulan dhexmara madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyada oo socdaalkana ay ka shaqeeyeen siyaasiyiin miisaan culus leh oo ka soo jeeda wadanka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in Xafiis  u qaabilsan Arrimaha Somaliland ay  furi doonto, islamarkaana Somaliland ay si gaar ah ula tacaamuli doonto.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn looga hadal haya Magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana dhici karta Sida Siyaasiyiinta Somaliland ay sheegayaan in Somaliland iyo Kenya ay gaaraan Heshiisyo wax ku ool ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip