Jariirada AS Oo Ku Doodeysa Inay Aheyd In Offside Ahaan Loo Diido Goolkii Guusha Ee Neymar U Dhaliyay Barcelona Shalayto.

0
Sunday February 21, 2016 - 12:06:35 in Sports News by
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jariirada AS Oo Ku Doodeysa Inay Aheyd In Offside Ahaan Loo Diido Goolkii Guusha Ee Neymar U Dhaliyay Barcelona Shalayto.

    Kooxda Barcelona ayaa shalayto sii dheereysatay hogaanka horyaalka La Liga iyagoo 9 dhibcood haatan kaga yahay kooxda Atletico Madrid oo maanta ciyaareysa iyo 10 dhibcood oo ay ka sareeyaan kooxda Real Madrid ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen, laaki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa shalayto sii dheereysatay hogaanka horyaalka La Liga iyagoo 9 dhibcood haatan kaga yahay kooxda Atletico Madrid oo maanta ciyaareysa iyo 10 dhibcood oo ay ka sareeyaan kooxda Real Madrid ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen, laakiin saxaafada Spain ayaa qoreysa in dhismaha goolkii guusha ee Neymar in Suarez uu offside ku jiray.

Iyadoo ciyaartii u dhaxeysay Las Palmas iyo Barcelona ay mareysay barbaro 1-1 ah, Neymar ayaa kooxda Los Azulgranas u dhaliyay goolka guusha isagoo meel dhow shabaqa ka toogtay markii goolhaye Javi Vars uu badbaadiyay isku daygii koowaad ee Lionel Messi.

1455983924_502597_1455984061_noticia_normal

Si kastaba, sida ay qortay jariirada Isbaanishka ee AS ku celiskii la daawaday ayaa muujinaya in goolka xiddiga reer Brazil uu dhaliyay daqiiqadii 38aad inay aheyd in la diido: Luis Suarez oo soo dhigay kubada garooska ee goolka ayaa offside ku jiray markii ugu horeysay ee uu kubada helayay.

Sida aad ka dheehan karto sawirka kore, Suarez ayaa ka yara horeeya daafaca Las Palmas waxaana uu kubada la aaday dhanka kooner ka hor inta uusan gudaha soo gelin isagoo u dhigay Messi kaasoo darbadiisa uu badbaadiyay goolhaye Javi Varas balse waxaa ku celiyay oo dhaliyay Neymar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip