Jubbaland oo ka hadashay dhaq dhaqaaqa ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Gedo

0
Thursday November 14, 2019 - 19:03:31 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo ka hadashay dhaq dhaqaaqa ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Gedo

    Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 14-November-2019 gudoomiyahay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada Jubbaland oo maanta qodobo kala duwan looga hadley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 14-November-2019 gudoomiyahay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada Jubbaland oo maanta qodobo kala duwan looga hadley.

Shirka golaha wasiirada ee maanta ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii uga danbeeyey ee Siyaasadda, Amniga iyo dhaqdhaqaaqyada kasoo cusboonaadey gobolka Gedo ee ku aadan duminta dhismaha haykalka maamul iyo ciidan ee halkaas kajira kaas oo ay Dowladda Soomaaliya halkaas ka wado ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Siyaad Aadan oo warbaahinta la hadley kadib kulanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Shacabka gobolka Gedo u adeegsanaayo Ciidamo Itoobiyaan.

Maxamuud Sayad Aadan ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Ciidanka Itoobiya iyo Nabad suggida Soomaaliya ay falal ka baxsan Sharciga ka waddaan gobolka Gedo, islamarkaana ay nasiib daro weyn tahay in maanta Madaxweyne Farmaajo Jubbaland u adeegsado Ciidamo Itoobiyaan.

Waxaa uu xusay in cabasho ay u gudbin doonaan dowladda Itoobiya iyo beesha Caalamka oo ku aadan Burburinta gobolka Gedo ay ka waddo Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip