Wax Walba Oo Uu Tababare Zinedine Zidane Ka Hadlay Ka Dib Kulankii Ay Real Madrid Ku Dubatay Kooxda AS Roma Koobka Champions League.

0
Thursday February 18, 2016 - 13:02:44 in Sports News by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Walba Oo Uu Tababare Zinedine Zidane Ka Hadlay Ka Dib Kulankii Ay Real Madrid Ku Dubatay Kooxda AS Roma Koobka Champions League.

    Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka hadlay aragtidiisa kulankii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda AS Roma kulankii lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee xalayto ka dhacday Stadio Olimpico.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka hadlay aragtidiisa kulankii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda AS Roma kulankii lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee xalayto ka dhacday Stadio Olimpico.

Cristiano Ronaldo:"Waan ka hadalnay, waana ku faraxsana goolkiisa sababtoo ah qof walba waxa uu ka filanayaa inuu gooldhaliyo, taas ayuuna sameeyay. Waan u faraxsanahay isaga iyo kooxdaba. Waan inaan ugu hambalyeeyo qof walba dadaalkii ay galiyeen kulankaan. Qeybtii hore waa ay adkeyd, waxaan horumar badan sameynay qeybtii labaad.”

Ciyaartoyda miyay u baahan yihiin qaab ciyaareed fiican marka ay garoonkooda ka maqan yihiin?"Waxaan mar walba wajaheynaa kulamo adag oo aan marti nahay, maanta mid ayay ka aheyd. Waxaan u ciyaarnay si ka fiican kulamada kale ee aan martida aheyn. Waxa ay aheyd kulan muhim u ahaa inaan shabaqa ilaashano oo aan goolna dhalino, waxaana ku guuleysanay inaan labadaba isku helno.”

1455753941_184588_1455754935_noticia_normal

Qiimeyn ku samee wareegaan:"Weli ma soo dhamaanin wareegaan, waana inaan aragno waxa dhaca lugta labaad. Waan ku faraxsanahay natiijada, inaan 2-0 uga soo badino Roma oo aan marti u aheyn ma ahan mid sahlan. Waa inaan haatan diirada saarno kulankeena soo socda ee horyaalka. Laakiin wareegaan ma soo dhamaanin taas waa hubaal.”

Inuu mid mid ugu hambalyeeyay ciyaartoydiisa: "Aniga ahaan tan ugu muhiimsan waa wadajirnimada. Waxaa mar walba jiraya hal nin oo natiijada keena, maanta waxa uu ahaa Cristiano Ronaldo. Laakiin marka aan arko ciyaartoy aanan ciyaarin oo kooxda ka soo guubaabinayo kursiga keydka aniga ahaan taas waa muhiimad weyn. Marka aan badino waxaan u badinaa si wadajir ah, taasna waa muhiim.”

Barcelona todobo dhibcood ayay ka sareysa Real Madrid horyaalka La Liga:” Waa ay adkaan doontaa, laakiin dadaalkeena oo dhan ayaan ku bixin doonaa. Maanta waan faraxsanahay. Si wacan ayaan u nasan doonaa markaas ayaana diirada saari doonaa kulanka Malaga.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip