Shirkada Adidas Oo Dukaanka Man United Ku Iibineysa Funaanado Lagu Durayo Qaab Ciyaareedka Lagu Caajiso Ee Kooxda Louis van Gaal.

0
Thursday February 18, 2016 - 13:01:19 in Sports News by
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Adidas Oo Dukaanka Man United Ku Iibineysa Funaanado Lagu Durayo Qaab Ciyaareedka Lagu Caajiso Ee Kooxda Louis van Gaal.

    Shirkada maaliyadaha u sameysa Manchester United ayaa suuqa keentay funaanado lagu durayo qaab ciyaareedka lagu caajiso ee Louis van Gaal, iyadoo funaanadaan oo midabkeeda uu madow yahay xabadka lagaga qoray "Waajib ayaa inaga saaran inaan idiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada maaliyadaha u sameysa Manchester United ayaa suuqa keentay funaanado lagu durayo qaab ciyaareedka lagu caajiso ee Louis van Gaal, iyadoo funaanadaan oo midabkeeda uu madow yahay xabadka lagaga qoray "Waajib ayaa inaga saaran inaan idiin madadaalino – Red Devils" taasna waa mid ka fog ciyaarta uu Van Gaal ka dhaqangeliyay Old Trafford xilli ciyaareedkan ee ay naceen jamaahiirta Man United.


Waxaa Qoray: Saed Balaleti
Taariikh: 18-Feb-16

Funaanadahaan oo ay sameysay shirkada Adidas ayaa waxaa lagu iibinayaa dukaanka rasmiga ah ee kooxda Old Trafford ka dhdhisan.

Shaqaale ka tirsan dukaanka ayaa u sheegay The Sun inay ceebsadeen inay iibiyaan funaanadahaan xilli kubad lagu caajiso ay haatan ciyaarayaan kooxda Louis van Gaal.

red-devils-twin-m_2696015a

Waxa uu yiri: "Funaanadahaan waxaa la keenay labo isbuuc ka hor.

"Ma rumeysan karo inaan iibineyno, hubaashii waxa ay aheyd in dukaanka la keeno bilowgii xilli ciyaareedka halkii la keeni lahaa ka dib natiijooyin sidaan u xun.”

Adidas ayaa heshiis 10 sannadood ah oo ku kacaya 750 milyan ginni la gashay Man United xagaagii hore. Laakiin xitaa maamulahooda guud Herbert Hainer ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedka kooxda Red Devils.

Waxa uu yiri: "Ganacisga aan la sameyneyno Man United waxa uu u socdaa si aad u fiican, waxaan iibineynaa maaliyado ka badan intii aan fileynay. Waan qanacsanahay… xitaa haddii qaab ciyaareedka haatan ee kooxda uusan aheyn wixii aan dooneynay inaan aragno.”

Laakiin taageerayaasha ayaa ka soo horjeestay inay iibsadaan funaanadaan cusub taasoo qiimaheede uu yahay 45 ginni.

Ian Mayo oo 36 sanno jir ah ayaa yiri: "Ma aanan xiran laheyn, maxay soo kordhineysaa funaad, waa inay talaabo qaadaan bedelkeeda oo ay ceyriyaan tababaraha.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip