TAARIIKH: Lionel Messi Oo Noqday Ciyaaryahankii Ugu Horeeyay Ee 300 Gool Ka Dhaliya La Liga… Shan Daqiiqo Ka Dibna Dhaliyay Goolkiisii 301aad.

0
Thursday February 18, 2016 - 13:00:09 in Sports News by
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAARIIKH: Lionel Messi Oo Noqday Ciyaaryahankii Ugu Horeeyay Ee 300 Gool Ka Dhaliya La Liga… Shan Daqiiqo Ka Dibna Dhaliyay Goolkiisii 301aad.

    Lionel Messi ayaa abuuray taariikh xalayto isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 300 gool ka dhaliya La Liga, ka dibna waxa uu helay goolkiisii 301aad shan daqiiqo ka dib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa abuuray taariikh xalayto isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 300 gool ka dhaliya La Liga, ka dibna waxa uu helay goolkiisii 301aad shan daqiiqo ka dib.

Rikoorkaan ayaa waxa uu ku gaari karay rigooradii Celta Vigo ee isbuucii hore, laakiin xiddiga reer Argentina ayaa doortay inuu rigoorada u baaso Luis Suarez.

Ma jirinse wax celin karay xiddiga sannadka adduunka kulankii xalayto ee Sporting Gijon.

Waxa ay ku qaadatay kaliya 25 daqiiqo inuu helo boos uu ku dhaliyo goolkii uu ka soo toogtay meel 25 yard u jira goolka isagoo cagta bidix ku dhaliyay.

messi-main_2695704a

Shan daqiiqo ka dib waxa uu ka dhigay 301 isagoo dhaliyay goolkiisii 15aad ee horyaalka ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay FIFA Ballon d’Or Messi ayaa tiradaan ku gaaray kaliya 334 kulan uu saftay horyaalka La Liga.

Wadar ahaan waxa uu xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan u dhaliyay kooxda Catalans 27 gool iyadoo Barcelona aan laga badinin 30 kulan oo isku xigta.

Waxaa sidoo kale cajiib ah in Messi uu ahaa ciyaaryahankii dhaliyay goolkii 9000 iyo goolkii 10,000 ee Barcelona.

Messi ayaa ahaa kaliya 17 sanno markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee kooxda 1dii bishii Maajo 2015.

Barcelona ayaa lix dhibcood ku qabatay hogaanka horyaalka La Liga ka dib guushii ay xalayto ka gaareen kooxda Sporting Gijon.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip