10kii Dhacdo Ee Loogu Hadal-heynta Badnaa Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan Ee Bogga Twitter Iyo Goolkii Danny Welbeck Oo Hogaaminaya.

0
Thursday February 18, 2016 - 12:49:38 in Sports News by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10kii Dhacdo Ee Loogu Hadal-heynta Badnaa Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan Ee Bogga Twitter Iyo Goolkii Danny Welbeck Oo Hogaaminaya.

    Goolkii uu waqtigii dhimashada Dannu Welbeck u dhaliyay Arsenal ee kulankii Leicester City ee isbuucii hore ayaa noqday waqtigii loogu hadal-heynta badnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ee bogga bulshada Twitter.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolkii uu waqtigii dhimashada Dannu Welbeck u dhaliyay Arsenal ee kulankii Leicester City ee isbuucii hore ayaa noqday waqtigii loogu hadal-heynta badnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ee bogga bulshada Twitter.

Weeraryahanka oo bedel ku soo galay islamarkaana saftay kulankiisii ugu horeysay ee tan iyo bishii April ayaa dhaliyay gool madax ah oo uu ku kiciyay hamiga Arsenal ee inay kaga baxdo abaarta ka heysata horyaalka Premier League.

51 kun Tweet daqiiqadii ayaa la sameeyay markii uu Welbeck goolka dhaliyay, taasoo ka dhigeysa dhacdadii loogu hadal-heynta badnaa bogga Twitter ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, jariirada Independent ayaana daabacday 10kii dhacdo ee Twitter loogu hadal-heynta badnaa xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Danny Welbeck

10. Anthony Martial oo goolkiisii ugu horeysay ee Man United ka dhaliyay Liverpool (12 Sept2015)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 30,700 jeer.

Anthony Martial ayaa geesi degdeg ah ka noqday Old Trafford isagoo dhaliyay goolkii seddexaad ee Manchester United ee ay 3-1 kaga badiyeen Liverpool.

9. Robert Huth oo goolkiisii labaad dhaliyay iyadoo Leicester ay 3-0 ku hogaamineysay Man City (6 Feb 2016)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 31,000 jeer.

Robert Huth ayaa ka yaabsaday Etihad Stadium, isagoo madax ku dhaliyay goolkiisii labaad ee ka dhaliyay kooxda Manchester City.

8. Goolkii uu Jamie Vardy ku dhigay rikoorka gooldhalinta Premier League ee kulankii ay la ciyaarayeen Man United (28 Nov2015)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 32,700 jeer.

Jamie Vardy ayaa shabaqa soo taabtay kulankii 11aad ee isku xigta markii uu la ciyaarayay Man United waxaana uu jabiyay rikoorkii Ruud van Nistelroy.

7. Olivier Giroud ayaa hogaan 2-0 u dhiibay Arsenal kulankii Man City (21 Dec2015)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 33,000 jeer.

Olivier Giroud ayaa dhaliyay gool cajiib ah iyadoo Arsenal ay guul 2-1 ka gaartay Manchester City.

6. Fernandinho oo 3-0 ka dhigay kulankii ay Man City ka badisay Chelsea (16 Aug2015)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 34,000 jeer.

Fernandinho ayaa cusbo sii mariyay dhaawacii Chelsea isagoo goolka seddexaad u dhaliyay Manchester City.

5. Christian Benteke ayaa indhaha u roon ka dhaliyay Man United (12 Sept2015)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 35 kun jeer.

Goolkii laba lugaaleyda ahaa ee Benteke ka dhaliyay Man United ayaa noqday goolkii ugu fiicnaa bishii September.

4. Gabriel Paulista oo casaan la siiyay ka dib markii ay isku dhaceen Diego Costa (19 Sept2015)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 38 kun jeer.

Gabriel ayaa kaarka cas loo taagay kulankii xamaasada lahaa ee u dhaxeeyay Arsenal iyo Chelsea ka dib markii ay isku dhaceen Diego Costa.

3. Mesut Ozil ayaa gooldhaliyay isagoo hogaan 2-0 u dhiibay Arsenal kulankii Man United (4 Oct2015)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 41 kun jeer.

Mesut Ozil ayaa hogaan 2-0 u dhiibay Arsenal kulankii Manchester United daqiiqadii 7aad.

2. Alexis Sanchez ayaa 3-0 ka dhigay hogaanka Arsenal ee kulankii Man United (4 Oct2015)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyay 47 kun jeer.

1. Danny Welbeck oo watigii dhimashada goolka guusha ka dhaliyay Leicester City (14 Feb2016)

Waxaa daqiiqadii la Tweet-gareeyya 51 kun jeer.

Danny Welbeck ayaa taageerayaasha Arsenal ka dhigay kuwa si waali ah u dabaaldegay ka dib markii uu goolka guusha ka dhaliyay iyadoo seeriga afka lagu hayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip