Maxaa Ka Jira In Goolhaye Petr Cech Laga Dhigayo Kabtanka Cusub Ee Kooxda Arsenal? Daily Mail Ayaa Ka Warbixisay.

0
Thursday February 18, 2016 - 12:48:30 in Sports News by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Goolhaye Petr Cech Laga Dhigayo Kabtanka Cusub Ee Kooxda Arsenal? Daily Mail Ayaa Ka Warbixisay.

    Goolhaye Petr Cech ayaa ku dhow in lagu abaalmariyo qaab ciyaareedka wacdaraha leh ee uu u soo bandhigayo Arsenal isagoo laga dhigayo kabtanka cusub ee kooxda, sida ay qortay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingariiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhaye Petr Cech ayaa ku dhow in lagu abaalmariyo qaab ciyaareedka wacdaraha leh ee uu u soo bandhigayo Arsenal isagoo laga dhigayo kabtanka cusub ee kooxda, sida ay qortay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingariiska.

Iyadoo kabtanka haatan Mikel Arteta uu ku qorsheysan yahay inuu Emirates Stadium isaga tago dhamaadka xilli ciyaareedkan, tababare Arsene Wenger ayaa ku qasban inuu raadiyo xiddigii bedeli lahaa mas’uuliyadii uu hayay xiddiga khadka dhexe ee reer Spain.

Wargeyska Daily Mail ayaana sheegaya in tababaraha Faransiiska uu isha ku hayo goolhaye Petr Cech kaasoo si weyn u soo jiitay kooxda waqooyiga London ka dhisan tan iyo markii uu ka tagay Chelsea xagaagii hore.

petrcech-cropped_1ep7fia89nmvq1aneab0klepe6

Awooda uu u leeyahay inuu si sahlan kula xiriiri karo ciyaaryahan walba ayaa fure u ah inuu noqdo kabtanka cusub ee kooxda Arsenal. Goolhayaha qibrada leh ayaa ku hadla shan luqadood waxaana durbaba loo arkaa hogaamiyaha kooxda.

Xagaaga waxaa macquul noqon karta in halyeeygii hore ee Chelsea Petr Cech inuu kabtan ka noqdo kooxda Arsenal halka halyeeygii hore ee Arsenal Cesc Fabregas uu isna u sharaxan yahay booska uu baneyn doono kabtanka haatan ee Blues John Terry, inkastoo aysan u badneyn in Fabregas uu kabtan ka noqon doono Chelsea madaama uusan xiriir wanaagsan la laheyn taageerayaasha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip