Roy Keane Oo Weerar Culus Ku Qaaday Eden Hazard: Waa Canug Kibray Una Baahan In Horay Iyo Gadaal Loo Haraantiyo.

0
Thursday February 18, 2016 - 12:45:57 in Sports News by
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roy Keane Oo Weerar Culus Ku Qaaday Eden Hazard: Waa Canug Kibray Una Baahan In Horay Iyo Gadaal Loo Haraantiyo.

    Kabtankii hore ee Manchester United Roy Keane ayaa weerar culus ku qaaday Eden Hazard isagoo ku tilmaamay xiddiga khadka dhexe ee Chelsea 'ilmo la kibriyay.'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtankii hore ee Manchester United Roy Keane ayaa weerar culus ku qaaday Eden Hazard isagoo ku tilmaamay xiddiga khadka dhexe ee Chelsea 'ilmo la kibriyay.'

Xiddiga reer Belgium ayaa ka hadlay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain ka hor kulankii ay Chelsea la ciyaareysay kooxda Faransiiska lugta hore ee wareega 16ka Champions League isagoo sheegay inay adag tahay in la diido kooxda PSG oo kale ah.

Keane ayaa sheegay inay ku xiran tahay ciyaartoy waa weyn ee kooxda Chelsea inay cashar baraan Hazard gaar ahan ka dib markii Blues ay guuldarro 2-1 ku soo gaartay Parc des Princes.

edenhazard-cropped_cap5l0fmi9wm18g0171knvd87

"Xaqiiqdii ma fahmi karo ciyaartoydaan. Waxa uu kordhiyay qandaraaska sannadkii hore, shan sanno kale ayuu kooxda u saxiixay. Waxaan aragnay sida uu u fiican yahay sannadkii hore” ayuu Keane u sheegay ITV.

"Ka dibna waxa uu ku hadlayaa waxyaabahaan qashinka ah maalin ka hor kulan aad iyo aad u weyn.

"Hadii aan ahaan lahaa ciyaaryahan la ciyaaraya isaga garoonka tababarka ayaan horay iyo gadaal ugu haraanti lahaa. Qaar ka mid ah ciyaartoyda waa weyn inay cashar baraan.

"Waa wiil tayo aad iyo aad u fiican leh laakiin dabeecadiisa xitaa xalayto, waa sida ilmo la kibriyay. Gabi ahaanba waa doqonimo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip