Seddex Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Xalayto Ay Real Madrid Dubatay AS Roma Ee Champions League.

0
Thursday February 18, 2016 - 12:44:19 in English News by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seddex Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Xalayto Ay Real Madrid Dubatay AS Roma Ee Champions League.

    Real Madrid ayaa hal lug la sii gashay wareega 8da ee Champions League ka dib markii ay xalayto 2-0 ku suuldaareen kooxda AS Roma oo marti loogu ahaa Stadio Olimpico. Kooxda macalin Zidane ayaana isku darsatay guul labo gool ah iyo shabaqa oo ay ku s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa hal lug la sii gashay wareega 8da ee Champions League ka dib markii ay xalayto 2-0 ku suuldaareen kooxda AS Roma oo marti loogu ahaa Stadio Olimpico. Kooxda macalin Zidane ayaana isku darsatay guul labo gool ah iyo shabaqa oo ay ku soo ilaashadeen meel ka baxsan

garoonkooda taasoo wadada u saareysa inay u soo gudbaan wareega 8da. Hadaba waxaan eegi doonaa seddex waxyaabood oo aan kulankii xalayto ka baranay.

Diego Perotti uma dhawa Francesco Totti

Malaha taasi waa ay iska cadahay marka si dhab ah loo eego laakiin taageerayaal badan oo Roma ay ayaa ilowsanaa xaqiiqdaas ka hor kulankii xalayto markii Giallorossi ay gooldhaliye la’aan ku soo gashay iyagoo la barbardhiyay markii ugu horeysay ee uu Luciano Spalletti uu tababare ka noqdo Roma markaasoo Francesco Totti uu ku soo baxay booska sagaalka beenta ah. Perotti waa ciyaaryahan adag oo lagu tashan karo laakiin uma dhawa doorkaas dabiiciga u ahaa Totti, waxaana ka maqan tayada iyo farsamada Totti uu lahaa waagaas, sababtaas darteed ayuuna Roma weerarkeeda xalayto u noqdo mid aan natiijo laheyn.

GettyImages-510878882.0

Wanaaga iyo xumaanta Marcelo

Qeybtii hore, Marcelo waxa uu ahaa hanjabaada weerar ee ay Real Madrid heysatay, laakiin waxa uu ka liidatay dhanka difaacashada. Waxa soo martay waqtiyo weerar oo aad u fiican sida uu inuu birta soo taabtay qeybtii hore taasoo aheyd fursadii ugu fiicneyd ee Real Madrid soo marta qeybtii hore laakiin inta badan marka ay Roma kubada dib u hesho Marcelo waxa uu weli ku maqnaa booskiisa weerarka mana uusan awoodi karin inuu si dhaqso ah booskiisa daafaca ku yimaado. Waxaana ay taasi ku qasabtay Toni Kroos iyo Sergio Ramos inay waqtiga intiisa badan ku qarashgareeyaan inay difaacasho ahaan daboolaan booska Marcelo, waxaana ay Roma siisay inay fursado qaar abuuraan taasoo aysan heli laheyn haddii Marcelo uu booskiisa joogi lahaa.

Roma waa dagaalantay, laakiin ku heer ma ahan Real Madrid.

Amaan buuxda ayay Roma ku leedahay inay si adag u dagaalameen islamarkaana ay jahwareeriyeen Madrid qeybtii hore laakiin dhawaa iyo dheeraa waa la filayay inay qaladaad sameyn doonaan, koox u fiican sida Real Madrid-na waa ay kugu ciqaabayaan qalad walba oo aad sameyso. Waana taas wixii dhacay, laakiin Roma ma ahan inay ceebsato qaab ciyaareedkooda. Waxa ay soo bandhigeen dagaal fiican laakiin tayo ahaa waxaa laga xoog roonaaday. Waxa ay weli ka fiican yihiin sidii ay ahaayeen sannado yar ka hor, haddii Roma ay wadadaan sii heyso waxa ay la tartami karaan Real Madrid sannadaha yar ee soo socda. Laakiin haatan weli diyaar uma ahan inay la tartamaan kooxda sida Real Madrid ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip