"Cristiano Ronaldo Waa Soo Laabtay" – Saxaafada Caalamka Oo Amaantay Xiddiga Reer Portugal Ka Dib Guushii Uu Xalayto Ku Hogaamiyay Real Madrid.

0
Thursday February 18, 2016 - 12:25:02 in Sports News by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cristiano Ronaldo Waa Soo Laabtay" – Saxaafada Caalamka Oo Amaantay Xiddiga Reer Portugal Ka Dib Guushii Uu Xalayto Ku Hogaamiyay Real Madrid.

    Saaxafada caalamka ayaa ku amaantay Cristiano Ronaldo qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Champions League ee soo bandhigay ee kulankii ay xalayto ka badiyeen kooxda AS Roma ee ka dhacay Stadio Olimpico iyadoo jariirada reer Argentina Ole ay qortay "Cr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saaxafada caalamka ayaa ku amaantay Cristiano Ronaldo qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Champions League ee soo bandhigay ee kulankii ay xalayto ka badiyeen kooxda AS Roma ee ka dhacay Stadio Olimpico iyadoo jariirada reer Argentina Ole ay qortay "Cristiano oo soo laabtay"

Saxaadfada Talyaaniga ayaa aqoonsaday awoodii Real Madrid ee xalayto ee Stadio Olimpico inkastoo ay ugu hambalyeeyeen kooxda tababare Luciano Spalletti inay si wacan u dagaalameen. Goolkii Jese ayaana ka dhigaya Roma mid ay ku adkaaneyso inay u soo gudubto wareega 8da. Saxaafada Talyaaniga iyo tan caalamka ayaa si kastaba amaan buuxda dusha u saariyay hal ciyaaryahan. Cristiano Ronaldo oo soo laabtay ayay aheyd cinwaanada ay badankood qoreen ka dib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay iyo goolkii furitaankii ee kulankii xalayto.

La Gazzetta dello Sport (Italy):"Cristiano iyo Jesé oo goolal dhaliyay”. "Ma xusuusataa qaab ciyaareedkii Roma ee kulankii Barcelona ee bishii September? Iska ilow. Natiijada 2-0 ma ahan mid runta ka tarjumeysa iyadoo ciyaartoyda Spalletti ay iska caabin muujiyeen. Cristiano ayaa dhibaato ku guuleystay goolkii uu dhaliyay ee ku sii dhacay Florenzi.”

Corriere dello Sport (Italy):"Ronaldo-Jesé, laakiin garsooraha ayaa liitay”. "Waxa ay u muuqataa mid yara adag in la sii wado dhaqanka Talyaaniga ee ah in Real Madrid laga reebo tartamada Yurub iyadoo Zidane uu guul ugu dabaaldegay kulankiisii ugu horeysay ee Champions League ah isagoo tababare ah”

Mirror (UK):"Cristiano Ronaldo oo sameynaya waxa uu ku fiican yahay inuu sameeyo iyadoo Madrid ay ugu cadcadahay inay u soo baxdo wareega 8da ee Champions League xilli ciyaareedka.”

L’Equipe (France):"Guushii ugu horeysay ee Zidane” .”Cristiano Ronaldo oo Madrid dhigay boos ay hogaanka ku heyso ka dib markii ay kooxda reer Spain hurdada ka soo kacday qeybtii labaad ee kulankii xalayto ee Stadio Olimpico.”

The Guardian (UK):"Cristiano oo ciribtiray iska caabintii Romanka” "Xididga reer Portugal ayaa tuuray durbay yara taabatay Florenzi isagoo garaacay goolhaye Szczesny.”

Olé (Argentina):"Cristiano waa soo laabtay”. "Kooxda Zidane oo laxanka ciyaarta sarre u qaaday qeybtii labaad labada gool ee ay ku hogaaminayaan oo ugu filnaan karta inay u soo baxaan wareega 8da Champions league. Cristiano oo dhiirogashan ayaa goolasha furay iyo Jese uu u laba jibaaray faa’idada.”

Bild (Germany):"Waxa uu la kulmay dhaleeceyn badan laakiin Cristiano Ronaldo waa soo laabtay. Real Madrid ayaa dhaaftay Roma waxaana u dhawaatay wareega sideed dhamaadka. Ronaldo ayaa dhaliyay goolkii muhimka ee furitaanka taasoo aheyd goolkiisii ugu horeysay ee uu ku dhaliyo garoonka uu marti ku yahay tan iyo goolkii uu ka dhaliyay Eibar 29kii November.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip