Kooxda Paris Saint-Germain Oo Guul Muhiim Ah Gurigeeda Ka Gaadhay Chelsea, Ibrahimovic Iyo Cavani Oo PSG Guusha U Horseeday Iyo Benfica Oo Waqtiga Dhimashada Guul dahabi Ah Ka Gaadhay Kooxda Zenit

0
Wednesday February 17, 2016 - 10:08:58 in Sports News by
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Paris Saint-Germain Oo Guul Muhiim Ah Gurigeeda Ka Gaadhay Chelsea, Ibrahimovic Iyo Cavani Oo PSG Guusha U Horseeday Iyo Benfica Oo Waqtiga Dhimashada Guul dahabi Ah Ka Gaadhay Kooxda Zenit

    Kooxda PSG ayaa garoonkeeda guul kaga gaadhay dhigeeda Chelsea kulan xiiso badnaa oo ka dhacay gegedaParc des Princes, waxayna PSG guushan muhiimka ah ku gaadhay 2:1, waxaana goolka guusha u dhalaliyay Edinson Roberto Cavani kadib markii uu Obi Micha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda PSG ayaa garoonkeeda guul kaga gaadhay dhigeeda Chelsea kulan xiiso badnaa oo ka dhacay gegedaParc des Princes, waxayna PSG guushan muhiimka ah ku gaadhay 2:1, waxaana goolka guusha u dhalaliyay Edinson Roberto Cavani kadib markii uu Obi Michael uu kansalay gool uqurux badan oo uu Ibrahimovic dhaliyay.

Ma aha natiijo uxun Blues, mana aha natiijo u fiican Blues sababo jira awgeed laakiin kulanka lugta labaad ee Stamfrod Bridge ayaa noqon doona kulanka lagu kala bixi doono.Waa guuldaradii ugu horaysay ee Chelsea soo gaadhay tan iyo markii uu Hiddink shaqada tababaranimo ee Blues uu ka badalay Mourinho.

Kooxda PSG ayaa garoonkeedaParc des Princes ku soo dhawaysay kooxda ay xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah isku arkayaan tartanka kooxaha Yurub ee Che

lsea. PSG ayaa xili ciyaareedkan doonaysa in ay horumar wayn ka samayso dhinaca tartanka yurub kadib markii ay iska yeelatay tartamada dalka France.PSG

Laakiin Cheslea ayaa tartanka Champions Leaque-ga u aragta halka ay ku sixi karto xili ciyaareed ay misiibo kala kulantay koobka ay difaacanayso ee horyaalka Ingiriiska. iyada oo Chelsea ay hadda u muuqdo mid ka fog in ay kaalinta afraad ku soo bixi karto ayay Blues doonaysaa in ay si xoogan ugu tartanto Champions Leaque-ga.

psg -cHELSEA

Shixihii labada kooxood ee PSG vs Chelsea:

PSG (4-3-3):Trapp, Marquinhos, Thiago Silva (c), David Luiz, Maxwell, Verratti, Thiago Motta, Matuidi, Moura, Ibrahimovic, Di Maria.

Kaydka: Sirigu, Van Der Wiel, Kurzawa, Rabiot, Stambouli, Pastore, Cavani.

Chelsea(4-2-3-1):Courtois; Azpilicueta, Cahill, Ivanovic (c), Baba Rahman; Fabregas, Mikel; Pedro, Willian, Hazard; Diego Costa

Kaydka: Begovic, Miazga, Loftus-Cheek, Oscar, Kenedy, Traore, Remy.Ancelottii

Qaybta hore ee kulakan ayaa ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxoodba ku doonayeen in ay natiijo fiican ka helaan. Ikasta oo ay labada kooxoodba taxadar badan ka muujinayeen dhinaca difaaca iyo marka ay weerarka qaadanyaaan haddana waxaa jiray fursado fiican oo ay labada kooxoodba abuureen.

lucas moura

PSG ayaa ciyaarta ku bilaabatay in ay kubbada inta badan haysto isla markaana ay weerar dhisid bilawdo waxaana markiiba Blues dhibaato ku abuurayay Lucas Moura balse daqiiqadii 7 aadVerratti ayaa goolhaye Courtios ku sababay in uu badbaadin sameeyo.Ibrahimovic ayaa sidoo kale fursad helay.zlataan

Koox kasta ayaa raadinaysay fursadii ay goolka furitaanka kula iman lahayd laakiin daqiiqadii 24 aad Chelsea ayaa heshay fursadii ugu horaysay ee ciyaarta ugu halista badnayd kadib markii uu Diego Costa u muuqday in uu hogaanka u dhiibay Blues laakiin kubbad uu soo karoosay Abdul Rahman Baba oo uu Costa goolkan ku dhalin lahaa yuu goolhayaha PSG eeTrapp uu si fantastik ah iskaga badbaadiyay laakiin kubbada ayaa birta ku sii dhacday waxayna ugu dhawaatay in ay shabaqa gasho.

Editorial use only. No merchandising. For Football images FA and Premier League restrictions apply inc. no internet/mobile usage without FAPL license - for details contact Football Dataco Mandatory Credit: Photo by Paul Terry/JMP/REX/Shutterstock (5587482i) Diego Costa of Chelsea has a shot on goal which is saved by Kevin Trapp of Paris Saint-Germain PSG v Chelsea, Great Britain - 16 Feb 2016

Iyada oo ciyaartu ay weerar iyo weerar celis tahay isla markaana uu dagaalku u badan yahay khadka dhexe ayuu Lucas Moura daqiiqadii 38 aad uu kubbad la soo dhex orday ciyaartoyda Blues, waxaana cidhifka xerada ganaaxa Blues qalad ugu galay John Obi Michael oo waliba kaadhka digniinta ah loo taagay, garsooraha ayaa kubbada dhigay goob 21 mitir u jirtay goolka Blues.Ibraa

Zlatan Ibrahimovic ayaa kubbada qaatay wuxuuna isku diyaari yay sidii uu kooxdiisa ugaga faa’iidayn lahaa fursada loogu dhigay laada xorta ah, Joog dheeraha ree Sweden ayaa awooday in uu kubbad sifiican uga dhex saaro safka ciyaartoyda Blues ee kubbada doonayay in ay goolka ka celiyaan, wuxuunaZlatan Ibrahimovic sidaa ku dhaliyay goolka furitaanka kulanka ee ay PSG la timid, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay PSG hogaanka kula wareegtay.

Ibra ibrahimovic

Chelsea ayaa bilawday in ay ka dagaalanto goolka loog hormaray waxayna bilawday in ay soo xoojiso weerarkeeda oo markii hore tamar badan u bahnaa iyada oo Blues inta badan ku ciyaaraysay ciyaar difaac iyo weerar deg deg ah u badan. Dadadaal badan kadib Chelsea ayay u suurtogashay in ay goolka barbaraha la timaado ka hor waqtigii nashada.John Obi Mikelq

ChelseaaHal daqiiqo oo dheeri ahayd oo ciyaarta lagu daray intii lagu jiray ayay Blues heshay koorne, waxaana si fiican u soo tuuray Willian balseJohn Obi Michael ayaa kooxdiisa culayska ka qaaday wuxuuna udhaliyay goolka barbaraha isaga oo marka hore inta uu kubbada ku bawdada ku joojistay markiiba dhamaystiray wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah, sidaana waxay qayta hore ee ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1:1 ah.John Obi Mikel

ObiMarkii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba soo laabteen iyaga oo dardar cajiib ah ku socda waxayna markan ciyaartu noqotay mid fursado halis ahi ku badan yihiin.Daqiiqadii 50 aad Willian ayaa kubbad khadka dhexe kala soo baxsaday isaga oo weerarka ay ku wehelinayeen Costa iyo Hazard, Willian ayaa kubbad qurux badan u bixiyay Costa kaas oo markale ku dhawaaday in uu PSG shabaqa ka soo taabto laakiin markale goolhaye Trapp ayaa sameeyay badbaadin layaableh.

xamaasada ciyaarta ayaa noqotay mid kacsan waxaana daqiiqadii 52 aad darbo xoogan oo meel fog ah goolka Chelsea ku bartilmaameedsaday Di Maria laakiin kubbada goolka galaysay ayuu goolhaye Courtios dirqi koorne iskaga saaray. PSG ayaa markan noqotay kooxda goolka labaad laga filan karo iyada oo abuurto fursado badan oo halis ku abuuray goolka Blues.Courtios

Daqiiqadii 60 PSG ayaa filatay goolkeeda labaad kadib markii Lucas Moura iyo Ibrahimovic ay kubbad fiican is dhaafsadeen isla markaana uu Lucas kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Blues wuxuuna markiiba sameeyay darbo goolka ah laakiin jawaabta LAAYBKA LEH ee uu bixiyay COURTIOS ayaa Chelsea badbaadisay.

Waxaa fursadan xigay kuwo kale oo xidhiidh ah oo Chelsea dhibaato wayn loogu abuuray laakiin sida ay PSG fursado badan u abuuraysay iyo sida ayna goolal badan u dhalin ayaa ahayd waxa lays waydiinayay. Chelsea ayaa markan ku soo ururtay difaaca iyada oo PSG ay soo gashay weerar aan kala joogsi lahayn. Daqiiqadii 64 aad Ibrahimovic iyoMatuidi ayaa helay laba fursadood is xigay laakiin difaaca Blues ayaa iska daboolay halista.Matoudi

Daqiiqadii 67 aad Di Maria ayaa loo dhigay kubbad laaga xorta ah kadib markii uu Pedro kaadhka digniinta ah uu ku qaatay Verratti laakiin kubbad wareegaysa oo Di Maria ku darbeeyay goolka Blues isla markaana u muuqatay mid shabaqa galaysa ayuu Courtios iska saaray. Xaqiiqdii bandhiga Courtios ee kulankan ayaa ahaa mid cajiib ah isaga oo fursado badan ka badbaadiyay PSG.

Daqiiqadii 76 aad Chelsea ayaa markeeda heshay fursad ay ugu dhawaatay in ay hogaanka markeeda kula wareegto iyada oo Oscar uu helay fursad cajiib ah laakiin bandhiga fiican ee goolhayeTrapp ayaa iyaduna dhinaceeda ka sii socotay wuxuuna iska badbaadiyay halistan.

WAQITIIGII CIYAARTA: Daqiiqdii 78 aad PSG ayaa heshay fursada ay dib ugu soo ceshatay hogaanka ciyaarta kadib markii uu Edinson Roberto Cavani oo ciyaarta badal k usoo galay isla markaana lagu soo badalayLucas Rodrigues Moura uu dhaliyay gool qurux badan isaga oo markan kubbada ka saaray lugaha Courtios, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay markale PSG hogaanka ku qabtay. Di Maria ayaa magiciisa ku qoray caawinta goolkan.Cavani cavanii

CaviniiDaqiiqadii 84 aad Marquinhos ayaa ku dhawaaday in uu xaalada ku sii xumeeyo Chelsea kadib markii uu kubbad fiican ka helay Patore laakiin Cahill ayaa kubbad goolka ku socotay koorne u leexiyay, markale fursad CAJIIB AH ayuu Ibrahimovic ku dhalin gaadhay goolka saddexaad ee PSG kadib markii uu daqiiqadii 90 aad uu kubbad goolka Blues ku hor helay laakiin doorka Courtios ayaa markale shaqeeyay. Ugu Danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay kulanka lugta hore guul kugaadhay PSG, waxaana la sugi doonaa natiijada kulanka lugta labaad ee Stamford Bridge.Chelsea

Benfica 1:0 Zenit:

benfica

Dhinaca kale kulanka labaad ayaa dhex maray kooxaha Benfica iyo Zenit oo dagaal ugu jira sidii ay ugu soo bixi lahaayeen wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga. Waxaa garoonkii ay ka soo ciyaareen eeEstádio do Sport Lisboa e Benfica dib guu soo laabtay xidigihii hore ee Benfica oo kala ahAxel Witsel, Ezequiel Garay iyo Javi Garcia.

Shaxaha labada kooxood ee Benfica vs Zenit:

Benfica (4-2-3-1):Júlio César, Lindelöf, Eliseu, Jardel, André Almeida, Samaris, Gaitán, Renato Sanches, Mitroglou, Jonas, Pizzi.

Kaydka: Ederson Moraes, Jimenez, Goncalo Guedes, Silvio, Talisca, Carcela, Nelson Semedo.

Zenit(4-2-3-1): Lodygin, Anyukov, Criscito, Lombaerts, Garay, Danny, Shatov, Javi García, Witsel, Hulk, Dzyuba

Kaydka: Mauricio, Kokorin, Neto, Yusupov, Kerzhakov, Zhirkov, Dolgov.

Kooxda Benfica ayaa ciideeda iyo garoonkeeda uga faa’iidaysatay in ay guul xili danbe ah ka gaadho kooxda Zenit kulan xiiso badnaa oo labada kooxood dhex maray, waxaana kooxda ree Portugal guushan muhiimka ah ka caawiyayJonas Gonçalves Oliveira kaas oo goolkan dhaliyay waqtiga dhimashada ee dhamaadka ciyaarta iyada oo sidoo kale daqiiqadii 90 aad kaadhka cas loo taagay xidiga Zenit eeDomenico Criscito, waxayna Benfica guushan ku gaadhay 1:0.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip