Daawo Cristiano Ronaldo Oo Xanaaq Uga Baxay Shirkii Jaraa`id Ee Real Madrid Ee Ka Hor Kulanka Roma, Su`aal La Weydiiyay Ayuu Dhibsaday.

0
Wednesday February 17, 2016 - 10:03:09 in Sports News by
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Cristiano Ronaldo Oo Xanaaq Uga Baxay Shirkii Jaraa`id Ee Real Madrid Ee Ka Hor Kulanka Roma, Su`aal La Weydiiyay Ayuu Dhibsaday.

    Cristiano Ronaldo ayaa shalay galab ka baxay shirkii jaraa`id ee ka horeeyay kulanka caawa ay martida ugu yihiin Roma ee Champion League. Weeraryahanka Real Madrid ayaa ku guuldareystay inuu gool ku dhaliyo garoon uu marti ku yahay tan iyo markii uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa shalay galab ka baxay shirkii jaraa`id ee ka horeeyay kulanka caawa ay martida ugu yihiin Roma ee Champion League. Weeraryahanka Real Madrid ayaa ku guuldareystay inuu gool ku dhaliyo garoon uu marti ku yahay tan iyo markii uu shabaqa ka taabtay kooxda Eibar

horyaalka La Liga 29kii bishii November. Halka kooxda reer Spain ay ku jirtay fasaxa qaboobaha, waxa ay ka dhigan tahay kaliya in afar kulan oo ay marti noqdeen kooxda Madrid inuusan xiddiga reer Portugal gool dhalinin.

xanaaq

Markii la weydiiyay sabbata goolashiisa kulamada ay martida yihiin ay u yaraadeen, Ronaldo ayaa si carro ah ugu jawaab celiyay wariyihii su’aasha weydiiyay, isagoo ku qabsaday sababta uu shakiga u gelinayo qaab ciyaareedkiisa xilli uu heer weyn ka gaaray kubada cagta.

Waxa uu yiri: "Maxaan ugu dhibtooday inaan gool ku dhaliyo garoon aan marti ku ahay? Ma ii sheegi kartaa hal ciyaaryahan oo dhaliyay goolal ka badan inta aan garoon kale ku soo dhaliyay tan iyo markii aan imid Spain?

"Maya, iima sheegi karti, ma jiraan. Macsalaama qof walba.”

Halkaan Laacibtv.net Ka Daawo Muuqaalkaas




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip