Hordhac: AS Roma v Real Madrid – Zidane Oo Bilaabanaya Waayihiisa Tababarenimo Ee Champions League Xilli Los Blancos Ay Hamineyso Inay Ka Aargudato Roma Oo Wareegaan Ku Reebtay 8 Sannadood Ka Hor.

0
Wednesday February 17, 2016 - 10:01:05 in Sports News by
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: AS Roma v Real Madrid – Zidane Oo Bilaabanaya Waayihiisa Tababarenimo Ee Champions League Xilli Los Blancos Ay Hamineyso Inay Ka Aargudato Roma Oo Wareegaan Ku Reebtay 8 Sannadood Ka Hor.

    Kulanka: AS Roma v Real Madrid Garoonka: Stadio Olimpico Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Zinédine Zidane ayaa sheegay in cadaadiska uu mar walba saaran yahay Real Madrid tartanka ugu weyn qaarada Yurub, laakiin kulankiisii ugu horeys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: AS Roma v Real Madrid Garoonka: Stadio Olimpico Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Zinédine Zidane ayaa sheegay in cadaadiska uu mar walba saaran yahay Real Madrid tartanka ugu weyn qaarada Yurub, laakiin kulankiisii ugu horeysay ee isagoo tababare ah ee koobka Uefa Champions League waxa uu ka horimaanayaa koox kalsooni badan qabta AS Roma.

Diirada waxa ay saaran tahay caawa Zinedine Zidane kaasoo sameynaya kulankiisii ugu horeysay ee Champions League ee isagoo tababare ah marka ay Real Madrid wareega 16ka lugtii hore ay booqato caawa kooxda AS Roma oo iyadana uu tababare cusub maamulayo.

Roma ayaa iyagana sidoo kale tababare bedeshay iyadoo tababare Rudi Garcia uu baxay waxaana bedelay Luciano Spalletti kaasoo ka caawiyay kooxa Serie A ka dhisan inay guul ka gaaraan Madrid markii ugu danbeysay ee ay ku kulmeen tartankaan.

Roma-vs-Real-Madrid-702x336

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda AS Roma waxaa shaki ku jiraa taam ahaanshahooda De Rossi iyo kabtan Totti oo labadaba dhaawacyo ka qabay kubka laakiin lama filayo in midkoodna uu ku soo bilowdo kulanka caawa ee Olimpico Stadium. Kooxda caasimada Talyaaniga ka dhisan waxaa sidoo kale dhaawac jilibka ah kaga maqan Capradossi. Halka Ciyaartoyda kala ah De Rossi iyo Nainggolan ay halis ugu jiraan inay seegaan lugta labaad haddii ay caawa qaataan kaar hurdi ah.

Dhanka kooxda martida ah caawa ee Real Madrid waxaa caawa ka maqan Gareth Bale oo dhaawac ka qaba kubka halka Pepe uu isna seegayo ka dib dhaawac ka soo gaaray cagta. Marcelo ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa lamana filayo inuu ku soo bilowdo iyadoo ay macquul tahay inuu booskiisa ka ciyaaro Carvajal. Casemiro haddii uu ciyaaro caawa waxa uu halis ugu jiraa inuu seego kulanka lugta labaad haddii uu hurdi qaato.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Roma:Szczęsny; Rüdiger, De Rossi, Manolas; Florenzi, Pjanić, Keita, Nainggolan, Digne; Salah, Džeko.


Real Madrid:Navas; Carvajal, Varane, Sergio Ramos, Danilo; Modrić, Kroos, Isco; James Rodríguez, Benzema, Ronaldo.

MA OGTAHAY?

  • Labada kooxood waxa ay ku kulmeen tartamada UEFA sideed jeer iyadoo afar jeer ay badisay Real Madrid halka Roma ay badisay seddex jeer iyadoo kulanka kale ay barbaro galeen.
  • Kooxaha ayaa kulankoodii ugu danbeeyay waxa uu ahaa mid saaxiibtinimo oo ay ku ciyaareen Melbourne 18kii July ee sannadkii hore, waxa ay aheyd kulankii ugu horeysay ee tababare Rafa Benitez ee Real Madrid. Roma ayaa rigoore 7-6 ku badisay ka dib barbaro 0-0 ah oo ay galeen.
  • Kulankoodii ugu danbeysay ee tartan rasmi ah waxa ay ku kulmeen Uefa Champions League wareegiisa 16ka xilli ciyaareedkii 2007-08 markaasoo kooxda Spalletti ee Roma ay 2-1 ku badisay minan iyo martiba.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip