Xukuumadda DDS oo diyaarineysa dacwad ka dhan ah Cabdi Maxamuud Cumar

0
Sunday August 11, 2019 - 21:43:45 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda DDS oo diyaarineysa dacwad ka dhan ah Cabdi Maxamuud Cumar

    Xukuumadda Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Soomaali State ee uu hoggaaminayo Mustafe Cagjar ayaa haatan la sheegay inay diyaarineyso dacwad ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo haatan ku xiran Xabsi ku yaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Soomaali State ee uu hoggaaminayo Mustafe Cagjar ayaa haatan la sheegay inay diyaarineyso dacwad ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo haatan ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya. Dacwada ayaa wararku waxaa ay sheegayaan inay la xiriirto dambiyo kala duwan oo uu geystay sida la sheegay xilligii uu deegaanka xukumayay,kuwaas oo isugu jira, Xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay deegaanka, jirdil loo geystay Boqolaal Maxbuus, oo ku jiray Jeel Ogaadeniya iyo falal ka dhan ah bini-aadannimada. Dacwada ayaa la sheegay inay xilligaan gacanta ku heyso xeer ilaalinta guud ee DDS, waxaana la filayaa in dhawaan loo gudbiyo xeer ilaalinta guud ee heer qaran ee Itoobiya, si dacwadaaas ay qayb uga noqdaan kiiska lagu eedaynayo Madaxwaynihii hore ee deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer Ilaalinta Dowlad deegaanka ayaa soo bandhigtay in dacwadda loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar ay badankood dhaceen 4tii August ee sanadkii 2018, waana markii ugu horaysay ee la diyaariyo dacwado dhan ka ah madaxweynihii hore dowlad deegaanka oo weli ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip